Halkee ayuu Marayaa qorshaha Hay’adda Shaqaaluhu Ku Tayaynayso Maamulka Iyo Shaqaalaha Cisbitaalka Guud ee Hargaysa?

Waxa socda dedaalo baaxad leh,kaas oo ay hormuud ka tahay Haay’adda shaqaalaha Dawladda oo kaashayanaysa Laamaha kale ee dawladda ee ay khusayso oo kor loogu qaadayo Tayadda Adeeg ee Cisbitaalka guud ee Magaaladda Hargaysa.

Si looga midho dhaliyo dedaaladdaas Haya’dda shaqaalahu,waxay naadisay in tartan furan loo galo maamulka sare ee Cisbitaalka guud ee Hargaysa,iyada 21 June,2020-ka Xayeysiisay 8 Kaalmo shaqo ee cisbitaalka ka baanaan kuwaas oo kala ahaa;

  1. Agaasime Ku-Xigeenka Cisbitaalka (Deputy Hospital Director)
  2. Maamulka iyo Lacagta ( Admin and Finance)
  3. Madaxa shaqaalaha ( Human Resource Manager)
  4. Xidhiidhiyaha Daaweynta ( Clinical Coordinator)
  5. Ku-Xigeenka Xidhiidhiya Daaweynta ( Deputy Clinical Coordinator)
  6. Maamulaha qeybta Xanuunadda Dhimirka ( Mental Health Adminstrator)
  7. Xisaabiyaha Guud ee Cisbitaalka ( Matron)
  8. Khanajiga Guud ee Cisbitaal ( Hospital Cashier).

Tartankaas oo ay ka qeyb noqdeen in ka badan 500  (shan boqol ) oo Muwaadiniin ah,waxa ugu danbeynii ay haay’adda shaqaalahu shaacisay 25 Julay,2020-ka sideedii Kaalmo shaqo iyo cidda ku guulaysatay,iyaga oo intaas ka dibna si rasmi ah shaqaddii loogu wareejiyay 6 Ogos,2020-ka.

Hadaba,hay’adda shaqaalaha oo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka Somaliland,ayaa waxay si rasmi ah u bilaameen Hubinta shaqaalaha ka hawl-gala Cisbtitaalka.

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha Dawladda,Farxaan Aadan Haybe oo hor-kacayay Kooxda Haay’adda shaqaalaha ee Barnaamijka fulinaysa,ayaa sheegay inay ka go’antahay Xukuumad ahaan tayaynta Shaqaalaha Cisbitaalka Guud ee Hargaysa,si kor loogu qaado adeegyadda Caafimaad ee uu Cisbitaalka Bulshadda u hayo.

Xafiiska Xidhiidhka  Warbaahinta ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker