Gabadh 12 sano jir ah oo ay laba nin guursadeen muddo bil gudeheed ah

Gabadh 12 sano jir ah ayay maamulka dalka Kenya soo badbaadiyeen kaddib markii muddo bil gudeheed ah ay guursadeen laba nin.

Gabadha aabeheed oo ku sugan Ismaamulka Narok oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Nairobi ayaa ku khasbay gabadha iney guursato nin 51 sanno jir ah. Way ka soo carartay kaddibna waxay guursatay nin 35 sanno jir ah ka hor inta aysan soo badbaadinin qof u ololeeya xuquuqda aadanaha iyo saraakisha dowladda.

 

Dallka Kenya waxaa ka mamnuc ah in qof da’diisu ka yartahay 18 sanno jir la guursado. Qofka u dooda xuuqda caruurta ayaa sheegay in akhbaarta gabdha uu helay isagoo ku jira bad-baadinta gabdha kale.

 

“Aabeheed ayaa siiyay nin da’ ah oo u guuriyay, kaddibna waxay guursatay nin ka da’yar kii uu aabeheed siiyay,” sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Joshua Kaputah oo ka tirsan Ururka Nabadda ee Ismaamulka Narok.

Waxa uu Mr Kaputah intaasi ku daray in guurkaasi deg-dega ah ay kaalin weyn ka cayaareen saboolnimada iyo iskuulada loo xidhay fayraska corona awgii.

 

“Qaar ka midah qoysaska wey baahan yihiin, sidaasi darteedna waxaa wax weyn la ah 3 sacaad oo yarad ahaan loo siiyay,” ayuu yidhi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker