Hay’adda Gargaarka Ee Oxfam Oo Ka Deyrisay Xaalada Muhaajiriinta Ku Sugan Dalka Giriiga.

Hay’adda gargaarka ee Oxfam ayaa sheegtay in hanaanka cidhiiidhiga ah xerooyinka magangalya doonka ee gudaha dalka Giriiga ee lagu ogaanayay dadka tabarta yar uu shaqeyn waayay.

Waxa ay hay’addu tilmaantay sida xaaladu ay u adkeyd sanadkii lasoo dhaafay oo jazeerada Lesbos uu ku sugnaa o keliya hal dhaqtar oo qiimeynayay caafimaadka ku dhawaad labo kun oo qaxooti ah kuwaasi oo gaarayay jazeeradaasi bil walba.

Bishii November sanadkii tagay ayaa hay’addu waxa ay sheegtay in wax dhaqtar ah aanba halkaasi lagu arkin.

Sidaasi darteed hay’adda gargaarka ee Oxfam waxay sheegeysa in saraakiisha dalka Giriiga ay xirxirayeen dhalinyarada iyo dadka kasoo badbaaday jirdilka iyaga oo aanan eegeynin dhibka heystay.

Haweenka lagu qalay ilmaha ayaa sidoo kale la sheegay in laga saarayay isbitaalada kadib qaliinkooda maalma uun iyada oo loo dirayay xerooyinka hoyga u ah.

Waxa laga cabsi qabaa in xaalada ay ku sugan yihiin qaxootigaas ay uga sii darto cimilada oo toddobaadka soo socdo la filayo in ay noqoto mid qabow ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker