Real Madrid Oo Markii Saddexaadkii Qaaday Koobka Horyaalka Yurub

Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa ku guulaysatay koobka horyaalka Yurub markii saddexaad oo xidhiidh ah. Waxaanay kooxda Liverpool kaga adkaatay saddex gool iyo hal.

Waa markii saddexaad ee si xidhiidh ah kooxdani u qaado koobka horyaalka Yurub, waana markii 14-aad ee ay ku guulaysato koobkan taariikhda tartankan.

Kooxda Real Madrid oo gool dhalinta ku horraysay ayaa waxa goolkii koobaad u dhaliyey Kariim Bin Siima daqiiqadii 51-aad, hase ahaatee afar daqiiqo uun ka dib ayaa goolkii barbarraha ahaa waxa kooxda Liverpool u dhaliyey Sadio Mane.

Daqiiqadii 64-aad iyo tii 83-aad ayaa laba gool ee guushu ku raacday kooxda Real Madrid dhalisay.

Xiddiga Liverpool Maxamed Salaax ayaa saftay soddonkii daqiiqo ee ugu horeeyey ciyaarta, laakiin waxa tabaraha kooxdu go’aansaday inuu bedelo maadaama oo dhaawac soo gaadhay, waxaana loo malaynayaa in garabka iyo gacantu kala baxeen.

Inkasta oo uu dhaawacaasi gaadhay ayaa hadana Salaax waxa uu doonayey in uu ku sii jiro ciyaarta hasse ahaatee way ku adkaatay oo isaga oo ilmo ka qubanayso ayuu ka baxay garoonka.

Waxaanay khubaradii ka faaloonaysay ciyaartu sheegeen in dhacdadaasi niyad jab weyn ku noqotay kooxda isla markaana ay sidaa ku waaweeyn ciyaartoy farsamo fiican oo uu ciyaarta kooxda ku dhiso lahaa iyo xagal daac ku yimid hindisihii ciyaareed ee tabobaraha kooxda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker