Tallaalka AstraZeneca ee COVID-19 oo la geeyey Muqdisho

Qaybtii ugu horraysay ee tallaalka AstraZeneca ayaa soo maanta soo gaaray Soomaaliya, ayada oo laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho.

Saraakiisha caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in isla berri meelo kala duwan oo dalka ah uu ka bilaabanayo tallaalku.

Soomaaliya waxay sheegtay inay heshay tallaal ku filan 20% dadka Soomaalida ah laakiin maanta ay soo gaadhay 300 kun oo goojo.

“Tallaalka Covid-19 waxaa uu yimid xilli Soomaaliya wajaheyso ladagaalanka soo laba kacleynta cudurka Covid-19, waxaana lagu xakameyn karaa oo keliya markaan dhammaanteen iskaashanno. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shaqaalaha Daryeelka Caafimaadka iyo dadka kale ee mudnaanta loo siiyay qeybta kowaad ee tallaalka in ay qaataan tallaalka si aan u ilaalinno shaqaalaheena caafimaadka, shaqaalaha kale ee safka hore ku jira iyo dadka halista badan qaba” ayay tidhi Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abiikar Nur.

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, kadib markii Xanuunka Covid19 uu ka dilaacay Soomaaliya bishii Febrayo 2020 waxaa ladiiwangaliyay 8,946 kiis oo la xaqiijiyey inuu ku dhacay xanuunka COVID-19, waxaa dadkaas ku jira tiro dhimasho gaaraysa 349.

“Laga soo bilaabo 1 ilaa 22 bisha Febraayo 2021, isugeynta 1,432 kiisas oo cusub iyo 76 dhimasho ayaa laga diiwaan geliyay Muqdisho oo kaliya. Tani waxay ahayd kororkii ugu badnaa ee la arko toddobaad gudihiis laga soo billaabo bishii Maajo iyo Juunyo 2020 markaas oo uu safmarku meeshii ugu sarreysay gaaray, xilligaas oo la diiwaangeliyay 500-600 oo kiisas isbuuc kasta,” ayey tiri wasaaradda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker