Baaq Ururka Midnimada Direed oo baaq ka soo saaray dhibaatada ka taagan Deegaanada ka tirsanaan jiray gobolka Siti iyo iyo magaalada Diri dhabe
Ujeedo: Baaq.
Salaadiinta, Boqorada, UgaasyadaAqoon yahanka, waxgaradka Iyo dhamaan qaybaha bulshada ee uu ka kooban yahay Ururka Midnimada Direed (UMD) waxay bayaan ka soo saareen sadexda tuulo ee kala ah
1. Gadhamaytu
2. Cundhuftu
3. Cadhaytu
Saddexdaas magaalo oo ay deganyahiin Beesha Ciise oo ka mid ah beelweynta Direed,
kana tirsanaa ka hor 07/09/2014
degaanka ismaamulka somalida Ethiopia gaar ahaan degmada Ma’aysu ee gobolka Siti.
Sidoo kale degaanadaasย oo isku halka degmo ka wada tirsanas ka hor taariikhda kor ku xusan, balse lagu kala daray sadex degmo oo ka tirsan maamulka canfarta.
. Magaalada Gadhaytu oo la raaciyay degmada Amibira ee maamulka canfarta
. Halka magaalada Cundhuftu laga raaciyay degmada Gawaani ee maamulka canfarta
. Magaalada Cadhaytu ayaa iyadana la raaciyay degmada Mille ee maamulka canfarta
Dhulkaas oo aan umada degan ee somaliyeed habayaatee wax talo ah laga waydiin wareejintiisa, balse sifo baal marsan
sharciga uu ku wareejiyey maamulkii uย adeegayay xukuumadii hore ee talada gacanta ku haysay
Hadaba anagoo ah Madax dhaqameedkii aqoonyahankii iyo waxgaradkiiย Beelaha Direed Waxaanu ka codsanaynaa Xukuumada Federalka ah ee dalka Ethiopia iyo Dawlad deegaanka Somali state
In umada halkaa degan lagu soo celiyo deegaankii ay ka tirsanayeen ka horย ย ย ย ย ย 07/09/2014 ee Somali State, maadamaย dhulkaa lagu daray maamulka kale iyadoo aan sife sharci ah loo marin.
Sidoo kale cabashooyinka ka jira Magaalada Diridhabe, dhulka la yidhaa Marmaasan dhulkaas oo ah dhul Soomaaliyeedย ka hor 2017ย hoos tegi jiray degmada Shiniile.
Maadamaย deeganka aan loo marin sifeย sharciga waafaqsan loo marin wareejintiisa, dadka degaankana aan
afti laga qaadin, waxaanu Xukuumada Federalka Ethiopia iyo Dawlada deeganka somalida ka codsanaynaa in dhulkaasna lagu soo celiyo degmadii aay hoos tegi jireen si xal loogu helo xaalada amni daro ee ka taagan magaalada Diridhabe deegaankaasinaย u noqdo mid xasiloon.
Wa bilaahi towfiiq
Stockholm, Sweden
Ibrahim Ali Adan
Gudoomiyaha Ururka Midnimada Direed



