Muwaadin Faransiis ah oo Adhigiisii Qoray Iskuul Waxbarasho

 

 

Nin beeraley ah ayaa 15 neef oo ido ah ka qoray dugsi hoose oo ku yaalla dalka Faransiiska, si uu ugu badiyo tirada ardayda, kadib markiin maamulka ay ku dhawaaqeen qorshe lagu xirayo fasal arday loo waayay.

Dugsiga lagu magacaabo Jules Ferry oo ku yaalla waqooyiga-bari ee magaalada Grenoble ayey ardaydiisa hoos uga dhaceen tiradii ay ahaayeen oo gaareysay 266 arday.

Hase ahaatee, si uu arrintaas wax uga qabto ayuu go’aansaday inuu qaar ka mid ah xoolihiisa ka diiwaan galiyo iskuulka.

Ganacsiga ariga oo sare u kacay xilligan xajka

Saddex neef oo lagu kala magacaabo Baa-bete, Dolly iyo Shaun ayaa ka mid ah kuwa iskuulka laga qoray.

Mr Girerd ayaa 50 neef oo ido ah la tagay xaflad lagu qabtay Iskuulka oo ay ka qeyb galeen ilaa 200 oo macallin, arday iyo saraakiil ka tirsan dowladda.

 

Meeyarka magaalada, Jean-Louis Maret ayaa loo gudbiyay warqadaha dhalashada ee Idaha Iskuulka laga qoray waxaana uu su’aal galiyay “go’aanka qallafsan ee ay maamulka ku damceen” in fasalka soonaas ah la xiro.

“Hadda wax la xiri doono ma jiraan”, ayey tidhi Gaelle Laval oo ka mid ah waalidiinta ardayda wax ka dhigata Iskuulka.

Carruurta ka qeyb gashay xafladda ayaa goobta ka qaaday hees ay erayadeeda ka mid ahaayeen: “Annagu ma nihin Ido”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker