Wargeyska The Standard ee Nairobi Oo Soo Bandhigay Xog Sira Oo Ku Saabsan Mawqifka Kiiniya Ee Dacwada Muranka Badda Soomaaliya Ka Dhaxeeya

Nairobi(OWN)-Dawladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inaanay aqbali doonin, islamarkaana ixtiraami doonin go’aan kasta oo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ICJ ka gaadho kiiska badda Soomaaliya, sida ku cad dokumenti qarsoodi ah oo uu helay wargeyska The Standard ee Nairobi.

Go’aanka Kenya ayaa imanaya iyada oo aad loo rumeysan yahay in Kenya looga adkaan doono kiiskan.  Sida ku cad dokumentiga,  Kenya ayaa dooneysa in ka hor inta kiiska badda Soomaaliya aysan go’aamin maxkamadda caalamiga ah ee cadaalladda, ay labada dhinac maraan marino kale oo ay ku xaliyaan murankooda.

Kenya ayaa dalbaneysa in marka hore Soomaaliya iyo Kenya uu dhex-dhexaadiyo ururka Bariga Afrika ee EAC (East Africa Community), kadibna haddii wada-hadalladaas aan xal lagu gaarin ay mar labaad yeeshaan wada-hadallo uu dhex-dhexaadiyo ururka Midowga Afrika, markaas kadib un loo gudbo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.

Kenya ayaa ku doodeysa in Soomaaliya ay marka hore qasab ku tahay inay ka quusato dhammaan xalalka kale ee furan, ka hor inta kiiska aysan guda galin maxkamadda ICJ, oo Kenya ay ku eedeysay inay dhinac u janjeerto, una xaglineyso Soomaaliya.

“Maxaysan Soomaaliya xal uga raadin Midowga Afrika, miyaanay IGAD u furneyn Soomaaliya inay kiiskeeda u gudbiso, ka waran ururka EAC?” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda Kenya ay sida qarsoodiga ah u diyaarisay.

Kenya ayaa sidoo kale ku dooday in ururka QM ee badaha ee UNCLOS uu dalbanayo in dhinacyada is-haya ay marka hore isku dayaan inay murankooda ku xaliyaan habab kale, ka hor inta aysan u gudbin maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.

Dokumentigan ayaa Kenya ay ku eedeysay Soomaaliya inay iska indha-tireyso sida ay Afrikaanka wax u xaklistaan.

“Soomaaliya waxay cayaareysa kaar jinsi, ayada oo Afrikanka ka doorbideysa hab sharciyeedka Yurub. Sidaas darteed maxay noqon kartaa cawaaqibka haddii ICJ ay u hiiliso Soomaalida” ayaa lagu yiri qoraalka Kenya.

Kenya ma aysan shaacin sababta ay ugu maleeneyso in ICJ ay u xaglin doonto Soomaaliya, hase yeeshee waxay wacad ku martay inaysan aqbali doonin go’aanka maxkam

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker