Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Koobka Aduunka

(OWN) Cayaarta hore Brazil iyo Mexico ayey dhex martay. Sidii la filayeyba Brazil ayaa badisay, 2-0 ayeyna guushu ku raacday. Labada gool, midna Neymar ayaa dhaliyey in yar ka dib markii laga soo laabtay nasashada, midka kalena cayaarta oo 2 daqiiqo ka dhiman tahay ayuu baas u dhigay Firmino oo beddel ku soo galay.

Cayaarta labaad ee xiisaha lahayd waxay ahayd tii dhex martay Japan iyo Belgium. Waxaaba la is lahaa Japan si fudud ayaa loo duban doonaa, laakin laba gool ayey kaga naxsatay Belgium. 3 daqiiqo ayadoo ay socoto qaybtii 2aad ayaa goolkii ugu horreeyey waxaa japan u dhaliyey Haraguchi, 4 daqiiqo ka dibna waxaa labeeyey Inui.

Belgium isma dhigan, dib ayey ka soo rogaal celiyeen, oo labadii goolba iska soo gudeen.

Laakin waxaa kala baxa uu yimid iyadoo ilbidhiqsiyo ay ka dhiman tahay cayaarta oo garsooraha uu siidhiga afka ku hayo.

Kubbad ka soo bilaabatay gool hayaha ayuu De Bruyne la soo jeexay badhtamaha, qaab weerar celis ah, ka dibna Hazard ayuu siiyey iyagoo xoog ku socda, isaguna wuxuu baas qurxoon u dhigay Lukaku oo isna difaaca khiyaameeyay, halkii la moodayey inuu baaska qaadanayo ayuu ka dul booday kubadda, waxaana ku yimid Chadli oo xiimaya oo goolhayaha daba mariyey. Sekenno ka dib ciyaartii ayaa dhamaatay.

Belgium waxay rubuc dhamaadka ku aaddan tahay Brazil jimcaha ay bishan july 6da tahay, saacadda afrikada bari markay tahay 09:00

 

Brazil iyo Belgium waxay u gudbeen Rubuc dhamaadka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker