Ra’yul Caamka Shacabka Somaliland Ayaa Si Weyn Uga Biyo-diiday Hadalkii Taliye Nuux Taani.
Hargaysa:(OWN)- Guud ahaanba shacabka Somaliland ayaa waxay dareen-diidmo ah ka muujiyeen Warkii kasoo baxay Maanta Taliyaha Ciidamadda Milatariga Somaliland,Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani,kaas oo si gaar ah usoo qaatay Labo qodob kuwaas oo kala ah;
- Ciidamadda Somaliland ka goosanaya
- Iyo qadiyadda Konayl Caarre.
Shacabka,ayaa ku doodaya in qaabka uu Taliyuhu arrimahaas uga fal-celiyay ahayn qaar Somaliland ku dhismayso,isla-markaasna ay ka hor-imanayso Curfigii Somaliland kusoo caano-maashay ee isku-haynta Bulshadda.
Waxaanay nasiib-daro ku tilmaamayaan in hadaladdaasi kaliya yihiin kuwo sii kala fogaynaya Bulshadda Somaliland.