Waa Maxay Shuruudaha ay Somalia ku Xidhay inay dib usoo Celiso Xidhiidhkii Kenya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa sharraxaad ka bixiyay wixii ay kala soo kulmeen shirkii IGAD,

Isagoo sheegay in laga hadlay khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.

Hoogaamiyeyaasha Urur Goboleedka IGAD ayaa magaalada Jabuuti Isniintii ku yeeshay kulamo gooni gooni ah oo ay arrimo badan ku falanqeeyeen.

Shir jaraa’id oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu warfidiyeenka ugu sheegay in madaxdii Urur goboleedka.

Ee IGAD ay Soomaaliya ku cadaadiyeen in ay oggolaato soo afjaridda khilaafka kala dhaxeeya Kenya, oo waliba lagu dhammeeyo IGAD gudaheeda.

“Dowladda Soomaaliya aad iyo aad ayey ugu diyaar garowday shirkan, waxayna diyaar u ahayd in eedeymaha ay usoo jeedisay Kenya ay kusoo bandhigto, kagana hadasho shirkaas.

Hase yeeshee, madaxdii IGAD ee halkaas joogtay waxay aad cadaadis noogu saareen in arrinkan uu noqdo mid lagu xalliyo IGAD dhexdeeda, tallaabada ugu horreysana ay tahay in xaaladda la dajiyo,” ayuu

Laakiin wuxuu wasiirka sheegay in dhankooda ay shuruud ku xireen aqbalidda dalabka ku aaddan in xiisadda la dajiyo.

“Soomaaliya way oggolaaday dib u dajinta xiisadda, laakiin waxaan ku xidhnay shuruud ah in guddi loo saaro arrimaha ay Soomaaliya ka tabaneysay.

Arrimahaas qaarkood waan idinkala hadli karnaa qaarna waan ka gaabsan doonnaa – maadaama ay howshaasi wali socota – tan ugu culus uguna degdegta badan waxay ahayd mid ku saabsan jabhadda lagu soo abaabulay Kenya,

Sida aan annagu qabno, oo xuduudda dhinaceeda kale ku abaabulan, taasoo IGAD ay go’aan ku gaartay in guddi xaqiiqo raadin ah loo saaro.”

“Arrimaha kale ee ay Soomaaliya tabaneyso waa waxyaabo lagu xallin karo hadba sida ay u kala weyn yihii, nidaam diblomaasiyadeedna loo mari doono.”

Ilaa hadda ma jiraan warar xaqiijinaya in “jabhad laga abaabulay Kenya” ay ku sugan tahay xadka u dhow Soomaaliya, dowladda Kenyana ma aysan qirin arrintaas.

Waxaa la filayaa in shir kale oo ay isgu imaadaan dalalka IGAD laga sameeyo isku dayo la xidhiidha soo afjaridda xiisadda u dhaxeysa Muqdisho iyo Nairobi.

Soomaaliya ayaa 15-kii bishan December ku dhawaaqday inay xidhiidhkii diblamaasiyadeed gabi ahaanba u jartay Kenya ka dib markii ay cirka isku shareertay xiisadda labada dal ee dariska ah u dhaxeeyso oo muddo dheer soo taagnayd.

Khilaafka labada waddan ee soo jiitamayay wuxuu ugu horreyn kasoo billowday muran dhanka badda ah oo u dhaxeeya labada dal islamarkana ay imika kiiskiisa gacanta ku hayso maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda, oo magaceeda loo soo Gaabiyo ICJ .

Muranka Kenya iyo Soomaaliya ee xadka badda waxaa uu haatan socdaa ku dhawaad 10 sano, wuxuuna ku saleysan yahay sida loo cabirayo xadka badweynta Hindiya ee labada dhinac

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker