Wefti Ka Socda Xisbiga WADDANI Oo Si wayn Loogu soo dhaweeyay Dalka Norway

 

 

Wefti uu hoggaaminayo xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI mudane Khadar Xuseen Cabdi oo ay weheliyaan xoghayaha arrimaha dibadda xisbiga Marwo Faadumo Siciid Ibraahim, afhayeenka qaarada Yurub ee xisbiga mudane Qaasim Aadan Saleebaan iyo xoghayaha qaaradda Yurub ee xisbiga mudane Maxamed Carab Wacays ayaa maanta (Axad 21, April, 2019) ka ambabaxay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

 

Masuuliyiintan xisbiga WADDANI ayaa u dhoofay dalka Norway oo ay kaga qayb gelayaan shirweyne uu xisbiga WADDANI ku qabsanayo magaalada Oslo ee dalka Norway.

Weftiga ayaa inta ay joogaan Norway waxay kulamo la qaadan doonaan jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Norway. Waxa kale oo ay kulamo khaasa la yeelan doonaan xubno ka mida dawladda Norway iyo hay’adaha wada shaqaynta la leh Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker