Dawladda Federaalka Itoobiya oo Aan Wali Dhinacooda Ka Hadal Dagaalka U Dhexeeya Ciidamada Deegaanka iyo Ururka Alshabaab

Raysalwasaaraha Itoobiya Aby Ahmed iyo Xukuumadiisa, ayaan Wali ka hadal Dagaalka Maalmihii u Dambeeyay dhexmarayey Ciidamada Liyuu Booliska ee Dawaladd Deegaanka Soomaalida iyo Ururka Alashabaab arintaas oo Dareen badani Ka galey Dadka Itoobiyaanka ah.

Dagaalada Maaalmihii u Dambeeyay ku Dhexmarayey Deegaanka Bakool Dhinaca Ismaamulka Dawaladd Deegaanka Soomaalida ayaanney jirin habayaraatee Wax Talaabo iyo hadal ah oo ay Ku Darsatey Dawladda Federaalku, iyadoo Tan iyo intii uu Itoobiya Taladeeda La Wareegay Raysalwasaaraha Xiligan Aby Ahmed, uu inta ugu badan Saacad Saacad uga hadli jirey Xaalada Dalkiisu Waahahay Khusuusan Dagaalada Qawmiyadaha Itoobiya, iyo Kii Dhex Marey Dawaladdiisa iyo Tigreega iyo Waliba Mudaharaadyadii Qawmiyadda Oromadda iyo Hawlagaladii Dawladdu kaga hor tagaysay.

Ilaa iyo hada Lama hayo Xog dhab ah oo Ku Wajahan, Sida ay uga Aamuseen Dagaalkan Raysalwasaare Aby Ahmed iyo Maamulkiisu sidoo kalena, aanney habayaraatee Talaabo Gurmad oo Dhinaca Ciidamada ah ugu Gurman Ciidamada Deegaanka ee Liyuu Booliska, inkastoo Ciidamadii ugu badnaa ee joogay dhinaca Xuduudka Koonfureed ee Itoobiya la Wadaagto Soomaaliya, Waxaa Deegaanka Soomaalida si aad ah looga hadalhayaa, Dagaalka Canfartu Kusoo Qaadey Soomaalida, Kaas oo Xaaladiisu tahey mid aad u adag, oo Khasaare badani ka Dhashey iyadoo aanney Jirin habayaraatee, Talaabo ay ka Qaadey Dawaladda Federaalka Itoobiya, arrintan oo Tuhunka ugu badani yahey in aanney Dawaladda Federaalku Wakhtigan aheyn Mid ay u Dhamaystiran yihiin Awoodihii ay hore u lahaan jirtey tan iyo intii Ka dambaysay Dagaalkii Tigreega.

Geesta Kale dhawaan ayey aheyd Markii dhinaca Togwajaale lagu Qabtey Askar Sheeganaya Ciidamada Federaalka Itoobiya, oo Doonayay in ay Baadhaan Shacabka Kuwaas oo lagu Qabtey Wajaale ismalarkaana, loo Taxaabay Xabsiga Sadex Kamid ah Ciidamadaasi, Waxaana Faragalintan Budhacadnimo Toos u Wadda Jibriga Wajaale oo Saraakiisha joogtaa ay Doonayaan in ay Qaab Budhcadnimo Wax Ku Qaataan Haseyeeshee, Shacabka Tog-Wajaale oo Waayo-araganimo dheeraad ah ka Qaatey Qaababkii Budhacadnimo ee Maamulkii Cabdi Iley ayaa iyaggu si aad ah uga Feejigan Arimaha Noocan ah, iyadoo ay Muuqato in Maamulka Dawladd Deegaanku aannu Raali ka aheyn Qaabka ay Qeyb Kamid ah Ciidamada Federaalku ula dhaqamayaan Shacabaka Magaalo Ismaamulka Tog-Wajaale iyo arimaha Budhacadnimo ee ay Waddaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker