Maraykanka oo xabsiga dhigay Sarkaal bixiyey sirta Maraakiibta Nukliyeerka

Wasaarada Cadaalada ee Maraykanka ayaa Axaddii shalay shaacisay in xabsiga la dhigay Injineer u shaqeyn jiray ciidamada Badda ee Maraykanka iyo Xaaskiisa kuwaasi oo lagu eedeeyey inay bixinayeen sirta Maraakiibta Nukliyeerka ee Maraykanka.

Baadhitaankan oo socday muddo bilo ah ayaa la sheegay inay hogaamineysay hay’ada danbibaarista ee FBI, kuwaasi oo iska dhigay dowlad shisheeye isla markaana lacag u balan qaaday Injineerkan 45 jirka ah ee ku nool magaalada Annapolis ee gobalka Maryland.

Injineerkan oo u maleenayey saraakiisha FBI-da inay yihiin dowlad shisheeye ayaa kulan labo jeer dhacay ku wareejiyey USB ay ku jirto xogta sirta ah ee Maraakiibta ku shaqeeya Nukliyeerka ee ciidamada badda Maraykanka, kulankii sadexaad ayaa la xiray ninkan iyo waliba xaaskiisa oo la sheegay inay la shaqeenaysay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker