Maamulka sare ee Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo Oo War Kasoo Saaray Haweenayda Joy Isa

Maamulka sare ee Shabakadda Abaarso NETWORK oo ay qayb ka yihiin Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo ayaa warsaxaafadeed ay caawa soo saareen ku sheegay in macallimiinta iyo maamulka kale ee loo shaqaalaysiiyo dugsigooda iyo Jaamacaddaba marka ay Somaliland yimaadaan laga saxeexo heshiis ka xaaraantimaynaya in aanay ardayda iyo cid kale midna la wadaagin ama kala xaajoon diinta iyo waxyaabaha ay aaminsan yihiin, iyadoo cidda heshiiskaas ku xad-gudubtana shaqada laga caydhiyo.

Waxa kaloo warsaxaafadeedkan lagu sheegay in haweenayda la yidhaahdo Joy Isa ay tahay Madaxweynaha cusub ee Jaamacadda Barwaaqo, isla markaana markii la soo magacaabay sida shaqaale kale lagu wargeliyey in aanay ku tallaabsan wax ka baxsan shaqadeeda loo igmaday, cidna la wadaagin waxyaabaha ay sida shaqsiga ah u rumaysan tahay. Waxa ay Abaarso Network tilmaamay inay ogaadeen muqaalo maalmahan lagu faafiyey baraha bulshada oo muujinaya haweenayda Joy Isa oo ka qaybqaadanaysa hawlo diimeed, iyadoo muqaalkaasna laga duubay xili ka horaysay intii aanay Madaxweynaha ka noqon Jaamacadda BARWAAQO.

Geesta kale, maamulka warsaxaafadeedkan ku saxeexan ayaa sheegay in markii wararkaasi soo baxeen ay la kulmeen ardayda iyo shaqaalaha kala duwan, kana xog-waraysteen arrimahan, iyadoo ay xogtaasna uga soo baxday natiijo ah in aanay Joy Isa ku kicin wax xad-gudub ah oo shaqadeeda ka baxsan, balse shaqada laga eryi doono haddii la helo cid ku caddaysa inay samaysay waxyaabo xad-gudub ah.
Waxa kaloo uu Maamulka Abaarso Network soo dhaweeyey in Wasaaradaha Waxbarashada iyo Diinta & Awqaafta ee Somaliland ay baadhis buuxda sameeyaan, kulanno xog-waraysiyo ahna la yeeshaan arday, shaqaalaha iyo waalidiintaba, si ay u ogaadaan in aanay Joy Isa wax diinteeda ah iyo afaaraha ay aamisantahay ah ku dhex faafin intii ay joogtay Somaliland.

Waxa kaloo ay ballanqaadeen inay soo dhawaynayaan in Wasaaradaha ku shaqada leh ee Somaliland ay si joogto ah ula socdaan xiliyada lagu jiro waxbarashada oo dhan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker