Sababaha kiciya ficilada qabyaalada waxaa ka mid ah ku tartanka sharafta & madaxnimada

Abuu jahal wuxuu yiri annaga iyo reer Cabdi manaaf sharafta ayaan ku tartanay, markaan sinnaanay ayay dheheen waxaa naga dhashay Nabi waxyi samada uga yimaado, xaggee ka keenaynaa?. Wallaahi in aanaan rumaynayn.

Raggii raacay ninkii Nabinimada sheegtay ee Musaylama ahaa ayaa yiri waa ognahay in Muxammad run sheegayo, Musaylamana been sheegayo laakiin beenalaha reer Rabiica (Musaylama) ayaan ka jecelnahay runlowga reer Mudar (Nabi Muxammad).

Waxyaabaha lugu tartami jirey ee sharafta laga raadin jirey waxaa ka mid ahaa tartamada gabayga, baratanka geela iyo fardaha oo ay dhici jirtey in labo qabiil isugu baaba’aan faras faras ka dheereeyey.

Ninkii gabayga ku faanay wuxuu yiri:

إذا بلغ الرضيع منا فطاما  تخر له الجبابر ساجدينا
Wiilkayaga marka naaska laga gooyo madaxda ayaa u sujuuda

Mid kale wuxuu yiri:

لنا الصدر دون العالمين أو القبر

Annagu xagga hore ayaan leenahay ama qabriga!

Booskii tartanka gabayada, fardaha iyo geela lugu faano waxaa galay doorashooyinka madaxweynaha, baarlamaanka iyo council-ka.  Reerkii boos ka waaya ama laga badsado waa reer dhaxalkii aabbohood laga qadiyey. In reerka magiciisa laga waayo golayaasha la isugu yimaado waxay la mid tahay reer aan jirin ama aan qiime lahayn!.

Waxaa kale oo qabyaaladii ina la gashay in reer walba meel cidla ah ooto oo uu summaddiisa ku dhigto; waayo reerkii meel lugu aqoonsado aan lahayn waxaa loo arkayaa in aanu jirin.

Gabagabadii waxaynu isweydiinaynaa arrimahaas diintu maxay ka qabtaa, reerka sharaf iyo dan ma u tahay mise ismoodsiis lugu luggo’ay?.

 

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker