Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay isisoo dhiibeen boqol katirsan Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal

 Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay horjoogayaal katirsan Alshabaab, kuwaas oo iskusoo dhiibay gacanta dowladda, iyagoo ka faa’idaysanayay cafis uu madaxweyne Xasan Sheikh u fidiyay qof kasta oo doonaya inuu si nabad ah ugu noolaado dalkiisa.

Dowladdu waxay sheegtay toddobaadyadii ugu dambeeyay, in boqol dagaalamayaal iyo horjoogayaal isugu jira oo ka tirsanaa Alshabaab ay iska soo dhiibeen deegaannada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Muqdisho.

Waxay dowladdu sheegtay inay soo dhaweyn iyo daryeel u sameysay xubnaha isisoo dhiibay.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhiira-gelinaysaa dhallinyarada ay qaldeen cadowga in ay isku soo dhiibaan dowladooda, sidoo kale dowladdu waxa ay bogaadineysaa kaalinta waalidiinta Soomaaliyeed ay ka qaateen in ay carruurtooda ka soo reebaan Khawaarijta.” Ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya.

Dowladda waxay sheegtay in ay ka go’an tahay ciribtirka kooxda Alshabaab, iyadoo tilmaamtay cid kaste oo iska dhego adaygta cafiska madaxweynaha Soomaaliya, in ay wajihi doonaan Caddaaladda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker