Muslimiinta Caalamka oo Hanjabaado u diraya Madaxwaynaha Faransiiska

Dunida Islaamka  waxaa sare uga sii kacaya baaqyo ku aadan in la qaadaco badeecadaha Faransiiska kadib markii madaxweyne Emmanuel Macron uu cambaareeyey Diinta Islaamka.

 

Mr Macrone  ayaa Wacad ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH.

 

 

Hadallada uu Macron jeediyey Arbacadii ayaa jawaab u ahaa gowraca macallin Faransiis ah oo Lagu Magacaabi jiray Samuel Paty, oo lagu dilay iskuul ku yaalla duleedka Paris kadib markii uu ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH.

 

 

Diinta Islaamka ma ogola in wax sawir ah lagu muujiyo Nebiga NNKH.

 

Sabtidii, Wasaaradda Arrimaha Debedda Jordan ayaa cambaareysay .

 

 

Sii socoshada daabacaadda sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH ayada oo lagu marmarsiyoonayo xoridda hadalka,

 

Iyo isku day kasta “oo faquuq iyo marin habaabin ah oo Islaamka la xidhiidhinaya argagixisada.  Ayaa unMuiqda mid aanay Muslimiintu i dilqaadanayn”

 

 

Wasaaraddu  si toos ah uma cambaareyn Macron, hase yeeshee xisbiga Dhaqaaq Islaamiga ah ee Jordan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Faransiiska inuu cudurdaar ka bixiyo hadalladiisa

 

Wasaaradda ayaa  ku boorisay shacabka Jordan inay qaadacaan badeecadaha Faransiiska.

 

 

Qaadacaadda noocaas ah ayaa goor horeba ka socotay dalalka Kuwait iyo Qatar.

 

 

Dukaamada ku yaalla Kuwait ayaa la arkay Iyaga oo laga saarayo dhammaan badeecadaha lagu soo sameeyey Faransiiska.

 

 

Sidoo kale magaalada Doha, shaqaalaha dukaamada ayaa tuurayey dhammaan alaabaha ka yimid dalka Faransiiska.

 

 

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii cambaareeyey Macron, isaga oo sheegay inuu u baahan in “maskaxdiida la baadho.”

 

 

“Muxuu qof ka Odhankaraa madaxweyne dal oo malaayiin qof oo ka kala tirsan kooxo diimeedyo kala duwan sidan ula dhaqmaya. Marka hore, maskaxdaada soo baar,” ayuu yiri Erdogan.

 

 

Macron ayaa sidoo kale ka carreysiiyey dunida Islaamka horaantii bishan kadib markii uu yiri “Islaamka waa diin xasarad ay ka taagan tahay dunida oo idil.”

 

 

Nayef Falah Mubarak Al-Hajraf, oo ah xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijlka ayaa hadallada Macron ku qeexay “kuwa mas’uuliyad darro ah, oo sare u qaadi doona isnaceyb dhaqan.”

 

 

Sidoo kale Jaamacadda Qatar ayaa sheegtay “in kadib xadgudub ula kac ah oo lagu sameeyey diinta Islaamka iyo astaamahaeeda” ay hakin doonto Toddobaadka Dhaqanka Faransiiska ee lagu qaban lahaa Jaamacadda

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker