MASHRUUCII BOOKH EE GOBOLKA SAXIL MAXAA KU DHACAY SOW TII LAGU BALLAMAY DHAQAAJINTIISA

Horta marka hore dhammaan shucuubta Islaamka gaar ahaan reer somaliland gudo iyo debedba waxaan halkan uga dirayaa hambalyo ku saabsan munaasibadda ciidda barayksan ee ciidul Al Adxa oon leeyahay ciid Mubarak .. sannadka sanadkiisa eebbe bashbash ,barwaaqo iyo nabad qabl Alle haynagu gaadhsiiyo .. Kulu caam waantum bilkhayr ...
marlabaad waxaan Jeclahay inan halkan ka xasuusiyo wasiirka qorshaynta qaranka in uu dib u eego mashruucii loo qorsheeyey in laga maalgeliyo sanduuqa horumarinta somali land ee degaanka Bookh ( Gobolka saaxil ) kaas oo sida aan filayo noqon doona mid dalku guud ahaan ka faaidaysan lahaa haddii la hirgaliyo .. waxaan leeyahay mudane wasiir dhigaagii kaa horreeyey ee wasiir qabo waxa jirtay inuu soo booqday bookh iyo gacanlibax sheegayna in degaanka bookh laga maalgelin doono sanduuqa SDF.. haddaba dawladda cusub ee madaxweyne muuse biixi qorshaha mawgu jirtaa in ladhaqan geliyo mashruucaas oo aan u arko mid midho ka dhalan karaan .. Intaas baan qalinka u qaatay maanta bal si aan xasuusiyo wasiirka Mashruucaas ..
Bookh waa degaan balaadhan oo u dhow gacanlibaax dhul seereed ahaan jiray wakhtigii dawladdii somaaliyeed jirtay
waa degaan aad mooddo in dabiiciyan Rabi ugu tala galay wax soo saar hadday beero tahay iyo hadday seero tahay ..
waa degaan carradiisu ay mucjiso tahay ugaadhii inaga haajirteyna kusii hadhay oo qurux iyo qaayo Alla u dhammeyey..
dhulka manfaacaa leh haddii aan laga faaidaysan wax soo saarka la higsanayaa muxuu macnihiisu yahay ..wa su’aale?..
Ta labaad maan maqal wasiir Axmed muumin seed oo weli soo booqday degaankas malaa liiskaba uguma jiro haddaba waxaan ku leeyahay wasiir Axmed nin waxqabad baad  iila muuqataaye bal wasiir degaankan nala soo eg adba waad u bogiye ..
waxaan ku soo gabagabeynayaa  salaamullaahi calaykum waraxmatan wabarkaatu minhu …
wa billahi tawfiiq
 
Dahir Maxamed Jama 
Hofuf , SA
 
DAHIR_JAMA@YAHOO.COM 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker