Iiraan Oo Ismaacil Qaani U Magacawday Xilkii Janankii Duqaynta Looga Dilay.

Ismaacil Qaani ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Quds,sida lagu sheegay wakaaladda wararka ee FARS.

 

Qaani ayaa ahaa Jeneraalkii ku xigay Sulaymaani oo duqeyn dhanka cirka ah lagu dilay.

Afhayeenka ururka isbadel doonka Islaamka ee Iiraan oo magacooda loo soo gaabiyo IRGC,jeneraal Ramezan Sharif ayaa sheegay in Maraykanka iyo Israa’iil ay heli doonaan jawaabo ‘kulul’.\

 

“Maanta, Maraykanka iyo Israa’iil waxay galeen dambi weyn waxayna heli doonaan jawaabo kulul.”

Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in Qasem Soleiman ay ku dileen duqeyn dhanka cirka oo ka dhacday meel aan ka fogeyn garoonka diyaardaaha ee Baqdaad ee dalka Ciraaq.

 

Shiinaha ayaa ka dalbaday dhammaan dhinacyada gaar ahaan “Mareykanka” inay wax iskula haraan ka dib dilkii General Soleimani.

“Shiinaha wuxuu mar kasta ka soo horjeedaa in xoog loo adeegsada xiriirka caalamiga ah”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha.

 

Waxay ka dalbadeen Mareykanka inay daganaasho muujiyaan oo aysan uga sii darin xalaadda murugsan ee gobolka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker