Raiisul Wasaarihii Hore ee Dalka Hindiya Atal Bihari Oo Geeriyooday
Raโisalwasaarihii hore ee dalka Hindiya Atal Bihari Vajpayee,ayaa ku geeriyooday dalkiisa hindia

Atal Bihari Vajpayee,ayaa xanuunsanayay sagaalkii todobaad ee la soo dhaafay,waxaana dhaqaatiirta ay sheegeen in 24kii saac ee la soo dhaafay ay xaaladdiisa caafimaad sii xumaaneysay,ugu dambeyna u geeriyooday.
Raโisalwasaaraha Dalka Hindiya ee hadda Narendra Modi,ayaa ku booqday Isbitaalka,halkaas oo uu 15 daqiiqo la joogay Bihari .
Ninkan oo 93 jir ahaa waxaa uu Guddoomiye ka ahaa Xisbiga hadda haya talada Dalka Hindiya ee BJP,waxaana uu horay Raโisalwasaare uga soo noqday dalkaas intii u dhaxeysay 1996dii ilaa 2004tii oo uu dhowr jeer Raโisalwasaare noqday.




