MAXAA HORTAAGAN AMNI IYO XASILOONI KA HANAQAADA MAGAALADA MUQDISHO?

Hordhac
Maqaalkan waxaan ku falanqayn doonaa xaalada amni ee magaalada muqdisho iyo barnaamijkii xasilintu xalkuu ka dhacay. Maqaalkan sidoo kale waxaan ku tilmaami doonaa xil gudasho la,aanta ay hogaaminayso qorshe xumada hay,addaha amniga. Caasimada muqdisho waxay marti galisay qaraxyo iyo dilal qorshaysan kuwaas oo galaaftay nafta shacab badan oo soomaaliyeed xalka qaar kalana ay ku waayeen qaybo jidhkooda ka mid ah qaraxyada. Masuuliyiintii is xigxigay ee soo hogaaminayay hay,addaha amniga ee heer fadaral waxay ku guul daraysteen hirgalinta qorshe hanaqaada oo ka hirgala magaalada muqdisho sidoo kalana ka sal balaadhan kala xidhka magaalada muqdisho iyo adeegsiga caro iyo jidh gooyayaan lagu xidho jidadka magaalada muqdisho . Dhamaan qorshayaashii mudada gaaban ka shaqaynayay sidoo kalana noqon waayay kuwo si buuxda u xakameeya falalka amni daro ee Alshabaab wado dhamaan qorshayaashaasi waxay ahaayeen kuwo u muuqday awood kala badsi dhanka hay,addaha amniga sidoo kalana waxaa meesha ka baxday maamul daadajintii laamaha amniga

MAXAA HORTAAGAN AMNI IYO XASILOONI KA HANAQAADA MAGAALADA MUQDISHO?
Carqaladaha hortaagan amniga magaalada muqdisho Ayaan ku koobnayn falalka amni daro ee Alshabaab laakiin waxaa weheliya qorshe iyo farsamo xumo haysata hay,addaha amniga iyo hogaamka dalka soomaaliya oo aan fahansayayn xilka iyo isla xisaabtanka . Hadii aan saddex ka tilmaamo waxyaalaha Alshabaab u sahlaya inay fuliyaan falalka amni daro
⦁ Hawl gabka Hay,adda Nabad Sugida Iyo sirdoonka qaranka gaar ahaan unuga Counter Intelligence
⦁ Maamul daadajin la,aanta Hay,addaha amniga ee heer Gobol , heer Degmo ilaa heer xaafad
⦁ Kala shikiga iyo wada-shaqayn la,aanta hay,addaha amniga iyo shacabka
Falalka amni daro ee Alshabaab ka fuliso magaalada muqdisho waa kuwo muujinaya fashilka siyaasad xumada taala hay,addaha amniga . Si kastaba ha ahaatee madaxda dalka somaliya waxay fashalka hay,addaha amni dusha u saaraan hogaanada hay,addahaas kuwaas oo ku waaya xilkooda magacaabista masuulka cusubna wa keento natiijo wax ku oon ah waxaase su,aal mudan in lays waydiiyo xalkay wax ka qaldan yihiin .
XALKA IYO XASILOONIDA MAGAALADA MUQDISHO {Counter-Terrorism Strategy}
Kooxaha xagjirku waa kooxo ku soo badanaya dalalka sidoo kalana waa kuwo waxyeelo iyo hagardaamo ku ah xasiloonida daleed iyo dawladeed sidaa darteed dalalka aduunku waxay samaysteen istaratajiyado looga hortagayo kooxahan. Hadii aan u eegno xaalka magaalada muqdisho iyo xeelada lagaga guulaysan karo kooxda Alshabaab waxay noqonaysaa istaratajiyad ka kooban Afar (4) tiir oo kala ah
⦁ Dib u habaynta hay,addaha amniga gaar ahaan ciidanka Booliska iyo Nabad Sugida
⦁ Maamul daadajinta hay,addaha amniga
⦁ Hirgalinta Barnaamijka Booliseynta Bulshada {Community policing}
⦁ Diyaaarinta barnaamij ka hadlaya hagar-daamooyinka Alshabaab ku hayso shacabka soomaaliyeed
DHAMAAD

Contact
Abdirahman Jacob Hassam Security Analyzer Jacobhassam@gmail.com Borama, Awdal , Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker