AWOODA VETO POWER KA

VETO POWER
Veto ( I forbid )-Codka diidmada qayaxani waa awood ay adeegsadaan Shanta dal ee joogtada ahi si ay u difaacaan danahooda iyo kuwa saaxibadood. 5 tan dal oo ah kuwii guulaystay dagaalkii labbaad ( Allied powers / Allies ) oo ahna asaasayasha qaramada midoobay 1945 , waxay Shan Kursi oo joogta ah ku leeyahiin Gollaha Amaanka ( U Nation Security Council ). Awoodda VETO POWER waxaa guud ahaan la adeegsaday 243 jeer. USSR/Russia oo ah dalka ugu badan isticmaalka awooddani waa 106 jeer , USA 81 , UK 29 , France 16 iyo China 11.
Arrinta xiisaha lahi waxay tahay–innuu USA in ka badan 51% ( 44 Jeer ) uu codka Veto power ka u isticmaalay si uu ilaaliya dannaha Isreal. 1970kii ayey ahyd markii ugu horaysay ee uu Maraykanku adeegsado Veto isla markaana ahaa mid uu ku difaacayo dannaha Israel. Qaraar tirsigiisu ahaa S/10786 oo ka dhan aha Xad-gudbka iyo daandaansiga Israel ku hayso
xuduudaha Lebanon ayey Gollaha Amaanka hor keeneen seddex waddan oo ay Somali ka mid ahyd. December 2016 ayey ahyd markii ugu horaysay ee uu Maraykanku ka aamuso arrin ka dhan ah Isreal , ka dib qaraar tirsigiisu ahaa 2334 oo lagu camabaaraynaayey deegamaynta Isreal ka waddo bariga Qudus. Intii uu Donald Trump joogay labba jeer ayey si hanjaabad leh Amb Nikki Hilly u hor joogsatay qaraaro Gollaha la hor keenay oo u dambeeyey
kii Kuwait Gollaha keentay. Diidmadiisa wuxuu Markaynku mar walba ku sababeeya innuu qaraarkani ka hor imanaayo xaqa ay dawaladda Isreal u leedahay inay is difaacdo.
Tan iyo intii uu bilaabmay qalalaasaha Suuriya Ruushku 12 jeer ayuu riday awoodda Veto da si uu badbaadiyo Madaxweyne Bashar Asad ka gacmaha dhiiga Ku leh oo ah Saaxiibka kaliya ee kaga sii hadhay gobolka. April 2018 ayey ahyd markii ugu dambaysay ee uu Veto ku hor joogsado qaraar uu Gollaha keenay Maraykan ku , oo dabada ay ka riixayaan Khaliijiyiintu oo mar walba dooddooduna tahay: Asad meel ugu ma bannaana mustaqalka siyaasadeed ee  Suuriya. Waxa xusid muddan in Ruushku 2017 Kii uu bil gudaheed seddex jeer isticmaalay awoodda codka qayaxan si hor joogsado arimo la xidhiidhay walaaco laga qabay in Md Asad adeegsaday hubka wax gumaada (Chemical ).
hassan yousuf

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker