Wacyi galinta Bulshada in xaqooda la baro:

Bulshada in la baro xaqa ay leeyihiin iyo wadada ay u mari karaan in ay helaan xaqooda, waa arrimaha ugu muhiimsan marka laga hadlayo cadaalada, horumarka bulshada iyo ka hortaga musuqa.

Wacyi galinta xuquuqda ay bulshadu ku leedahay laamaha dawlada, haayadaha madaxa banaan iyo baayac mushtarka ay maacaamiisha la leeyihiin. Muhiimadda ku jirta in ay ka war yahyaan xuquuqda iyo habkii ay xaqooda ku heli lahaayeen, waa shay laga maarmaan ah in la helo bulsho wax fahansan oo haysa (information) ay u baahan yihiin si aan xaqooda loo dhaafin.

Bulshadu In ay xaqooda ka warhayaan, waa in ay lamaanayso  meel laga diwaanglin karo dacwadahooda hadii uu muwaadinku aaminsanyahay in xaqiisa la dhaafsiiyay/dhacay.

Marka uu shakhsigu helo wacyi galin in uu ka war hayo xaqiisa, 2 uuna helo meel uu dacwadiisa la tagi karo, 3 oo uu helo cid u dooda oo xaqiisa ugu raadin karta, hab waafaqsan sharciga.

Tusaale ahaan, anigu shakhsi ahaan xafiis ka tirsan xafiisyada dawlada ayaan u tagay in aan ka qaato sharciga wadanka. Suaalo badan iyo baadhitaan ka dib, waxa la ii ogolaaday in aan sharciga qaato- suaalaha iyo habka la igu xaqiijiayay in aan ahay muwaadin wadanka u dhashay hab aan xumayn ayuu ahaa, ilow aan aaminsanahay in la hagaajin karo.

Arrinta aan aaminsanahay in laga badali karo habka qofka loo xaqiijiyo in uu muwaadin yahay, habka qofka loo xaqiijiyo in uu muwaadin yahay; waxa ka mid ah in aad caaqilkaaga soo kaxaysatid. Laakiin waxa jira rag caaqilo ah ooh or tuban dawlada hoose ee hargeysa oo qof walba iska raaca, sidii baayac mushatar ahaana ugu shaqaysta caaqilnimada.

Arrinta kale ee aan ku arkay xafiiska laga qaato muwaadin nimada waxa ka mid ahaa qiimaha lacagta la I waydiiyay oo ka duwanayd lacgata ku qornayd warqada loo gudbinaayo dawlada-

In bulshada sida la doono baad looga qaado waxa keentay in aanu muwaadinku xaqiisa garanayn, ama aanay jirin meel loo dacwooda iyo cid dacwada si daacad ah u baadhaysa oo ka socoto xaga dawlada. Anigu lacagtii sida xaqdarada ahayd la ii dul saaray, wax dhibaato ah igumay ahayn, laakiin bulshada wadanka dagan ama iska danyarta ah, waa ku dhibaato iyada oo ah dulmi iyo xaqdaro.

Gunaanad ahaan in bulshada laga wacyigaliyo xuquuqdooda, si loo wada ilaaliyo sharcigu waa arrin loo baahanyahay si bulshada loo baraarujiyo, bulshaduna dulmiga uga baxdo.

Waxa kale oo jirta in aan meelo badan aan ku arkay shaqaale dawladeed oo daacad u ah shaqadooda. 

Ahmed miino

London

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker