Maareeye Siciid Saalax Shire Madbacadda Qaranku Way Mahadisay: Qalinkii Axmed Yuusuf Yaasiin

Tan iyo markii uu la wareegay xilka maareeyaha guud ee madbacadda qaranka oo hatan laga joogo mudo kooban wuxuu hirgeliyey horumar iyo isbedel dhinacyo badan leh, wuxuu horseeday taariikhda madbacadda markii u horaysay in uu iswaafajiyo arrimo ay adag tahay in qof si fudud isku waafajiyo arrimaas oo waxa ka mid ah:-
⦁ Wuxuu suurto geliyey in isaga oon deeq dibadeed helin uu noqdo maareeyihii ugu wax qabadka badnaa ee abid madbacadda soo mara, iskama lihi ee waxaan haystaa markhaati iyo marag aan cidina sacabka ku qarin Karin, maraga u waynina waa raadka muuqda ee uu horseeday iyo sida muuqaalka iyo mooraalka shaqaaluhu isku bedelay mudadii uu joogay.
Haddaba wax qabadka aynu soo qaadan karno waxa kamid ah
⦁ Dhismihii hore ee madbacadda qaranka oo dib u dhis iyo dib u casriyeyn lagu sameeyey
⦁ Mushaharooyinka shaqaalaha oo uu kordhiyey
⦁ Mashiino cusub oo uu dalka dibadiisa ka keenay sida mashiinka daabaca fiisooyinka
⦁ Bilicda iyo dhiraynta madbacadda qaranka oo wax wayn laga bedelay
⦁ Dhalin yaro shaqo abuur loo sameeyey
⦁ Kaalmada guurka oo uu jideeyey waxwayna uu la qabto qofka hawl guur ku timaado.
Inkasta oon maqaal iyo laba lagu soo koobi Karin wax qabadka maareeye Siciid Saalax Shire intaas ayaan ku soo ururinayaa.

Caqabadaha Haysta Madbacadda Qaranka ee Curyaamiyey Dhaqaaleheedii
Inkasta oo aynu soo sheegnay horumar ka tisqaaday madbacadda qaranka , haddana waxa jira caqabado ku xeeran xilgudashada maareeyaha oo aynu ka soo qadan karno
⦁ Bililiqaysi iyo boob lagula kacay dhukumentigii madbacadda qaranku daabacaadiisa u xilsaarnayd.
⦁ Shakhsiyaad nidaam fool xun oo reeraysan kooto loogu xidhay dhukumentigii madbacadda qaranku lahayd.
⦁ Dawladdi hore oo madbacadda galisey dayn, dayntaas oo markii hore looga bixin waayay uu baanku madbacaddii dib uga goosto, arrintaas oo hoos u dhac dhaqaale keentay isla markaana kaliftey in mushaharooyinkii shaqaaluhu laba bilood is gaadhaan.

Tallo-Soojeedin
⦁ Maadaama oy madbacadda tahay mashiinkii wax u daabacayey dawladda waxa haboon in dawladda dhexe maalgelin ku samayso oo mashiino cusub u soo iibiso.
⦁ Sidoo kale waxa haboon in sharciga lala tiigsado shakhsiyaadka dhukumentigii qaranka bililiqaystay ee wixii ummadu wada lahayd kaligood xalaashaday.
⦁ Ugu danbayn lama arag dawladd sirteedii suuqa taalo, lama arag dawlad shanbadi iyo waraaqihii ay ku shaqaynaysay suuqa ka daabacanaysa oon sir lahayn. Si gaar ah waxa aan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka codsanayaa in uu hoos u eego hay’addan oo halbawle u ah dawladnimada.

FACE BOOK: Axmed Yuusuf Yaasiin
Mobile: 063-4474153

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker