KORORKA DHUXULAYSTA GOBOLKA DAADMADHEEDH IYO WAX KA QABASHALA`AANTA DOWLADA

Sannadadan dabe waxa ku soo badanaayey dalka soomaaliland dhuxulaysiga sharci darada ah , ee la shidaayo ama lagubaayo keymaha dabiiciga ee Alle ku manaystay dalkeena hooyo, taas oo ay sabab u tahay dadka oo aan fahmin deegaanku waxa uu yahay?

Gobolka daadmadheedh waa mid ka mid ah dhulka Ilaahay ku manaystay keymaha dabiiciga ah, una baahan in si gaar ah loo Ilaaliyo haday Dowlad iyo shacaba tahay , sidoo kalan la` wacyi galiyo dadka deegaanka si ay deegaankooda uga celiyaan dadka dhuxulaysatada ah ee ku soo duullay, sidaasina waxa ay ku suurta- galaysaa Wasaarada deegaanka iyo Ururrada u dhadhaqaaqa deegaanka oo iyagu xil dheeraad ah iska saara deegaanka. Markaasna adeegsanaya wixii macquul ah ee wax lagaga qabankaro , sida shaqaale iyo askar u gaar ah.

Waxa kale oo haboon in lagu soo daro manhajka waxbarashada Jamhuuriyada Soomaaliland Maado ka hadlaysa deegaanka iyo Tarbiyatul Wadan. Sidoo kalana waxa iyana muhiim ah in qiihama Gaasta la`shito hoos loo dhigo qiimaha lagu iibiyo iyadoo dowladuna kabis ka bixinayso Qasnadeeda ama iyaduba soo gadato Gaas jaban si markaas baahida loo qabo dhuxushu ay hoos ugu dhacdo .

Hadaynaan ilaashan deegaanka shacab iyo Xukuumadba oo uu midba mid ka kale ku eego deegaanku waa uu inaga dayacmayaa, Sidoo kale waa innay xil-gaar ah isa-saartaa cida masuulka uga ah ummad ee loo igmaday ilaalinta deegaanka oo ay talaabo cad ka qaadaa cida baabiinaysa ee xaalufinaysa deegaanka iyadoo ganaax iyo xadhig ba lagu ridaayo.

Waxa kale oo haboon in keymaha soomaaliland lagu beero noocyada ugaadha kala duwan iyadoo laga hirgalinaayo seerayaal si ay markaas u booqdaan dalxiisayaashu, si markaas ay dowladu dakhli fiicani uga hesho . Sidoo kale deegaanku waxa uu ubaahan yahay in lagaliyo dhaqaale fara badan loona qoro askar badan si ay u badbaadaan keymaha dabiiciga ah ee Alle dhulkeena ku manaystay.

 

 

Qalinkii: Maxamed Muuse Cilmi
Bariise_77@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker