HEES WADANI AH.

asc  marka hore waxaan salaan qaaliya kusalaamayaa bahda oodweynenews.

marka labaad waxaan salaamayaa  dhamaan umadda somaliland dal iyo debedba.

waxaanan urajaynayaa guul iyo gobanimo.

marka sadexaad waxaan cambaar dusha ugatuurayaa cadawga somaliland ee  isbahaystay

curyaaminta iyo nacabka aymuujijeen  sida cunaqabatayta ay ku heshiiyeen inay caawimooyinka

caalamku sl siiyo laga joojiyo  iyo dagaalka aykuso qaadeen somaliland ee tukoraq.

iyagoo  Baydhabo kugaadhey heshiis somaliland  ay isugu bahaysteen.

ANIGOO KADUULAYAA CADAAWADDAA AY REER SOMALIA INOOMUUJIYEEN.

kana xun sida dadkeenii  hoostooda ugumashquuleen ayaan heestan kasameeyey

. fanaankii raba inuu laxan iyo music usameeyo oo qaadana waa ufasax;

HEESTINA WAATAN;

BISMILAAHI EEBBOOW

QARANKEENI BAYLAH

BULSHADEENI EEGA

UMAD WADA BACAYSAN

QARANIMO KABAYDHAY

QABYAALADDA UBOODDEY

HADBA BEELSHIRAYSA

MIDKALOO KABADISAY

IYADUNA KUBAAQDAY

BERRI INAYSHIRAYSO

BISMILAAHI EEBBOOW

QARANKEENI BAYLAH

BULSHAYAHAY BALEEGA

BELEDKEENA CADAWGII

BURBURSHEE DHAMAANTII

BAABA.A KAYEELAY

INUUSOOBU,AAYO.

BULSHAYAHAY BALEEGA

BAHALKII FARMAAJIYO

BAYDHABIYO KISMAAYIYO

BADAWGII GAAROOWAA

ISASOO BAHAYSTEE

UMADYAHAY BARAARUGA

KAFOGAADA BEEL BEEL

BELEDKEENA DAAFACA

DHAQAALAHA KUBERETAMA

BEERAHA INOOFALA

BATROOLKANA INOOQODA

KHAYRKIINA BEEGSADA

AAN BARWAAQO GAADHNEE.

MAGACAYGU WAA  AXMED FAARAX GEEDI. DEGEN FARANSIISKA.

 

 

alaase Alii

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker