1252 magac oo been ah! By Amir Bidde

Waxa dadka Somaliland ka argagaxeen warka sheegaya in kun laba boqol lyo laba iyo konton magac oon jirin la samaystay oo dawladda lagaga mushahar qaadanayay! Maaha sheeko baralay waa arrin xaqiiq oo ay sheegeen guddoomiyaha shaqaalaha dawladda iyo wasiirka maaliyadda iyo lacagta.
Waxa la yaab leh xatooyada xaddigaa leh inaan labada masuul midkoodna soo hadal qaadin inta lacag lagu qaatay, muddada lagu qaadanayay magacdan beenta ah, cidda ka dambaysay, wasaaradaha ay magacdani ka qorraayeen iyo cidda lacagtan qaadanaysay.
In lacagta la xaday laga daba tago oo lagu soo celiyo khasnadda dawladda iyadoo ganaax culusna lagu kordhiyey dabadeedna madaxdii masuulka ka ahayd sharciga la mariyo mayna ahayn? Masuuliyiinteenu waligood ma tuug iyo tuug gargaar uun bay ahaan? Aaway xisbiyadii mucaaridku ma kursiga u sarrreeya uun baa iyaga khuseeya? Mise iyaga laftooda magacda qaar keensaday?
Halkii dadku filaayeen baadhitaan iyo hantidii la xaday oo la soo celiyo ayayba labada masuul ku faraxsan yihiin kaliya inay ogaadeen in magac been abuur ah lagu mushahar qaadanayay, maanta laga bilaabana laga joojiyey.
Wasaarad walba waxay leedahay waaxda shaqaalaha iyo waaxda lacagta sidee dad aan shaqaynin uga mushar qaadan karaan. Mise wasiir walba magac buu keensan jiray iyo agaasime waaxeedyo cusub? Horta musuqu wuxuu ka bilaabmayaaba in wasiir walba isagu magacowdo agaasime waaxeedyada. Waa in awooddaa magacaabista laga qaadaa wasiirada.
Mise magacdan beenta ihi waxay ka soo baxeen gobolada oo dawladaha hoose ayaa been abuur lacag ku xadayay? Wallee sidii wallawaynta noqonay, aan la kala jeclaynba xaaraan iyo xalaal!
Ayanle Amir

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker