Saami-qaybsi ku salaysan Golaha Guurtida JSL

Saami-qaybsi ku salaysan Golaha Guurtida
Samiqaybsiga goloyaasha parlamanka SL ee dhawaantan loo maaro waayay ,waxan ku talin-lahaa in sida hoos ku qoran loo furdaamiyo:
1) golaha wakiilada sidooda ha loo daayo oo yaan qaabka hadda dhisan waxba laga baddalin ,  sababtoo ah waxaan murran iyo jaah-wareer ahyn laga korodhsan maayo.
2) haddi la doonayo inay gobollada darafyada iyo gobolada xildhibaanada laga soo doortaa ay kooban-yihiin inay awood xeer-dajineed oo mug leh waddanka dhexdiisa ku yeeshaan, waxa habbon in golaha Guurtida lixda gobol tiro siman loogu qaybiyo, sida Sanatka Maraykana. Arrinkaana sida hoos ku xussan ha loo fuliyo:
A) xeerka doorashada golaha guurtida ha la dardargaliyo.
B) tiradda golaha guurtida ha la kurdhiyo oo ha laga dhigo 84 si ay lixda gobol si siman ugu qaybasanto.
C) lixda gobol ee SL mid walba ha laga soo doorto 14 mudane oo golaha guutida ah.
D) sidaa haddii la yeelo waxa suurtogal noqondoonta:
a) in gobolka ugu dadka badan iyo gobolka ugu dadka yari ay yeeshaan awood xeer dajineed soo siman , maadama golaha guurtidu leeyahay awood xeerdajineed oo buuxda, xeeer aanay ogolanna aanu dhaqan gali karin – waa “system of check and balance”.
b) waxaa suurtogal noqodoonta in somaliland aanu ka hirgalin xeerka ay is hortaagaan mudanayaasha  saddexda gobol ee dalka ugu yar marka loo eego dhinaca tirada codbixiyayaasha (saaxil, sool iyo sanaag).
c) waxaa suurtogal noqondoonta in xeerka amma mooshinka ay is hortaagaan saddexa gobol darafyadu (awadal, sool iyo Sanaag) aanu parlamaanka somaliland ka meelmarin.
d) waxaa dhici doonta inuu meelmari waayo oo laga adkaado mooshinka amma xeerka ay taageeran kaliya labada gobol ee Somaliland ugu codbixiyeyaasha  badan ( Maroodi Jeex iyo Togdheer) oo u dhigma tirro codbixinta SL illaa 62%.

 

Xasan Cabdi Yousuf
Hargeisa, Somaliland

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker