Xanuunka loo yaqaan Caaraa igu kaadiday ama ‘cold sores’. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.

Xanuunka–cold sores, waxa uu leeyahay nabarro cascas, oo xuub khafiif ahi ku dahaadhanyahay aakhirkana keena in uu qarxo. Nabarkani waxa uu leeyahay malax. Waxa uu ka soo baxaa dibnaha hoose, kuwa sare, barta ay ku kulmaan labada dibnood, afka hoose ee xigta dhinaca cirridka. Sida dhifka iyo naadirka ah waxa uu ka soo  baxaa nabarkani faraha gacmaha, lugaha iyo meelaha gol-jilicda ah. Somalidu marka ay nabarkan isku arkaan waxa ay yidhaahdaan “Caaraa igu kaadiday”. Xanuunkani waa mid lays qaadsiiyo, waxaa lagu kale qaadi karaa is-taabashada toos ka ah–intamicy

Cudurkan waxaa keena laba fayras oo loogu yeedho “Herpes simplex virus type-1, iyo herpes simplex virus type-2”.
Astaamaha xanuunkan waxaa ka mid ah, xummad iyo kaar barta nabarku ku yaallo, malax, hafeefasho, iyo qanjidhada u dhaw oo barara. Xanuunkan waxa uu keeni karaa cawaaqib xumo ay mid yihiin, xaasaasiyad indhaha ah, liqista oo ku adkaata, kaar aan kale go’ lahayn.

Xanuunkani maaha mid leh daawo. Laakiinse, waxaa la isticmaali karaa daawooyinka fayruska gaar ahaan ku loo yaqaanno “Ointment creams”. Haddaba haddaad isku aragto nabarkan marka aad hurdada ka soo toosto waxaad isticmaashaa is-nadiifin dheeri ah si aanu fayrusku jidhkaaga ugu sii baahin.

Sadam Osman Kaabash.
Hargeisa, Somaliland
Degmada:Maxamed Mooge.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker