FARAQA U DHEXEEYAA DAGAALADII QABAAILKA IYO DAGAALKA CEEL-AFWEYN.

Dagaalka CEEL-AFWEYN ee u dhexeeya labada QABIIL ee wada deg CEEL-AFWEYN aad buu uga duwan yahay dagaaladii hore ee qabaailka Somalida dhex Mari jiray waana runtii sababaha uu u Soo noqnoqonayaa ee cilinkiisa loo Saari la yey. Dagaaladii hore seddex shay oo si cad u muuqda Bay ka bilaabmi jireen oo aqoon iyo dhaqanba wadaa loo xalilo lagu xeel dheeraa, xeerarka Somalida a ku xardhanaa. Seddexdaa shay ee DAGAALADU ka bilaabmi jireen waxay ahaayeen oo ahaan jireen DHIIG, DHAQAN AMA DHAQAALE. Dhiigu wuxuu ahaan jiray qudh-gooyo ama dhaawac. Dhaqanku wuxuu ahaan jiray arin dumar ku lug leh. Dhaqaale wuxuu ahaan jiray maal ama mood. Seddexdaa shay ba waa la isku dili jiray sida looga jeshiiyana waa la yaqaanay oo Diin ama Xeer baa lagu xalilo jiray wayn dhammaan jirtay.

Arinkan CEEL-AFWEYN wuu ka duwanyey dagaaladii hore ee qabaailka sababtuu kaga duwanyey waxa weeye dadka wadaa ma joogaan gobolka dagaalku ka dhacayo laakiin waxay leeyihiin shaqaale kala sarreeya oo operationada lacag ku kala qaata waana u jeedo political ah laakiin dagaalka noocana hadduu bilaabmo wey adag tay si uu isu taagaa oo sababta meesha ku jirtaa ee uu dagaaladii hore kaga duwanyey waxa weeye malaysiyada bilawdaa waa dad yar yar oo brain wash la siiyey oo wax laga dhaadhiciyey oo aan Xeer Somali iyo Diin iyo Dawlad iyo shacab waxba ka fahansanay oo aan inay wax dilaan oo cidbaa shirtay oo heshiisbaa la gaaray aan fahmi karin. Waa sababtaa sababta dagaalka CEEL-AFWEYN uu u Soo noqononayaa imikana SHIRKA CEEL-AFWEYN ka socda oo socda hadduu weerar dhacay shirk u markuu dhammaado a wuu dhacayaa weerarku markaa waxaa cad in reer Somaliland aanay weli fahmin dagaalka CEEL-AFWEYN ee ay is leeyihiin wuxuu la mid yahay dagaaladii qabaailka ee hore oo kale markaa Mar walba prescriptions qalada ayey bixinayaan heshiis cidda waddaa markaasaa hadana dagaalkii bilaabmayaa.
Somalidu waxay ku maahmaahdaa BIDAARI SIBIQ BAY KUGU GASHAA, DAGAALKANI Waa dagaal ku ugub Somaliland intuu dhawdhawyey in la fahmo weeye ee network giisu fudud yey si wax looga qabto. Waxay ahayd in CEEL-AFWEYN weynta Hargeysa SHIRKA laga soo bilaabo oo cidda wada dagaalka maaha suldaano iyo caaqilo ee waa siyaasiyiin Hargeysa iyo qurbaa Joogta ee arinka hoos ha loogu dhaadhaco haddii kale sannadaha soo socda xalintiisu wey adkaanaysaa ee ha la ISKAGA MEERSYSTO………… CARRAYSTA.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker