Caddaalad darada iyo Tacadiga dalka kajiraa ictiraafkii Carqaladeeyey!.

Ilamaa intii dib loo unkumay Jamhuuriyadan Curdinka ah ee Somaliland waxay xukuumadba xukuumada kadanbaysaa sii dhamays tiraysay haykalka dowladnimo iyo hanaanka dumuqraadi iyaga oo ku hawl gellaayey sinaan, caddaalad,ismaqal ,wada-tashi iyo wax wada lahaan si ay u taabo qaado Jamhuuriyadan barakaysani oo ay u buuxiso shuruudaha caalamka uyaala ee lagu sifeeyo dal madax banaan iyo Dowlad jirta una soo jiitaan indhaha caalamka oo loo kasbaso aqoonsi  buuxa ama loo ictiraafo.

Haseyeeshee waxa dhacday in mudooyinkan danbe ay Somaliland dib u socod ku bilaabmay oo aduunkii aynu doonaynay inaynu wanaaga aynu samaysanay indhahooda tusno sidaynu u soo jiidano oo uga helno ictiraaf, se caddaalad darada iyo tacadiga iyo waxyeelada loo gaysanaayo ummada ayaa inagu soo jeedisay indhihii caalamka siiba kuwa u dooda xuquuqda aadamaha oo inoo arkay goob lagu tunto xuquuqda aadamaha oo aan nadaam iyo sharci aanu wax Kala hagin,taas oo sabab looga dhigaayo muwaadiniinta jeelaasha lagu guraayo iyagoo danbi lagu hayn ama la maxkamadayn iyo jidh dílka joogtada ah ee shacabka lagu hayo siiba suxufiyiinta ay hagardaamada, cabudhinta iyo cago-juglayta lagu hayo una dheertahay in maalinwalba laga rigaaxo qalabkooda iyo aaladahay howshooda shaqo ay KU gudanayeen,waxa jirta in muwaadiniin badan iyana xabsi Ku muteen Facebook, Twitter iyo WhatsApp ayey fikirkooda Ku cabireen waana wax aduunkii Ka yaabisay,

Siddoo kale waxa aad looga deyrinayaa xaallada saxada jeelasha Somaliland oo lagu tilmaamay goobo aan xayawaan lagu xidhi Karin iskadaa dad noolle, waayo faya-dhowr aan jirin oo nadaafad darada Ka jirta maxaabiistu waxay dhex seexdaan wasakhda iyo saxaradooda  una dheertahay qololka jeelasha ah oo labuux dhaafiyo kuna dhashaan dulin iyo cuduro halis ahi una dheertahay ciqaab iyo jidhdil joogto ah,waxa jira maxaabiis badan oo wakhtigoodii dhamaystay oo lagu ilaawey iyo qaar maxkamad la marin oo mudo dheer iyaaga oon laxukumin hadana xidhan,saxo xumada jeelasha awgood Ruux lagu xidho isaga oo caafimaadkiisu liito ayuu kasoo baxaa,

Iskusoo wada xoori caddaalad darada Ka jirta garsoorka Somaliland iyo Tacadiga loo gaysto shacabka iyo cabudhinta iyo cago-juglayta dalka Ka jirta awgeed ayey wadamo dhowr ah ilaa hada oo ay dalka Kanada ugu horayso ayaa digniin sootabiyeen laanta socdaalka ee dalkaa sheegayna in aan loo socdaalin Somaliland caddaalad darada Ka jirta awgeed sidoo kale dalka Maraykanka ayaa sidaas oo kale faray muwaadiniintiisa inaanay u socdaalin Soomaaliya oo uu sheegey inay Somaliland ku jirto maadaama aan la ictiraafsanayn, sikastaba ha ahaatee hadii xaalka Jamhuuriyadan Somaliland siddan kusii socdo hiigsigii iyo wixii lahananaayey wey kala daadan oo caddaalad darada iyo Tacadiga dalka kajiraa hubaal ictiraafkuu inaga Carqaladayn.

Illaahay baa mahadleh

Midnimana Somaliland

Fuad Fartaag

fartaagmuwaadin@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker