” Markay Dani Ku Haysaad Dadka kala Ogaataa… “

Waxaan halkan hanbalyo iyo bogaadin u marinayaaa guddomiye Faysal Cali Waraabe iyo madaxwaynaha Maamulka khaatumo prof Cali Khaliif oo aan ku hanbalyeenayno guushii ay ka soo gaadheen shirkii Buljiemka somalida loogu qabtay.

 

Soomalida ayaa hore U tidhi maalinta adag ayaa la kala ogaadaa ninka kuu xiiraya(sida faysal iyo Galaydh) iyo ninka kuu hoolhoolaya ( sida muuse) .

Hadaan udhaadhacno ujeedadayada waa doorka siyaasadda debedda Somaliland oo maanta Faysal Cali Waraabe door lama ilaawaan ah ka ciyaaray iyo ka daba qaylintii taagwaaga ahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi, waayo waxaynu la soconaa in maanta xukuumada Muuse Biixi markii meelwaliba iska soo xidhay xagga dibadda iyo xagga arimaha gudahaba, nabadina qiira qiira gashay uu arrinkeedii ku soo ururay marba odayaal putland loo diro oo nabaddii ka dawarsanaya garoowe gudaheeda iyo fashilaadda qaranka ee aan geedna loogu gabban, hadaba akhirstow miyaanay nasiibdaro ahayn halyayada Faysal iyo prof.Galaydh oo isu xilqaamay inay somaliya kala soo hadlaan qodobadii somaliland maanta ugu baahida badnayd sida :
1.Deeqaha caalamiga ah ee aduunku ugu deeqay somaliya oo ay ku jirto qaybtii somaliland sida uu qiray wasiir Sacad .
2-Aqoonsiga aynu higsanayso oo haddi ay guulaystaan wada hadalada somaliland iyo somaliya ay soo dedejin karto .
3.Dagaalka tuko raq ee uu hore madaxwaynu u sheegay in lagala hadli karo Madaxwayne Farmaajo oo kaliya ,sida faysal yeelay.

Haddaba akhristow ma waxa la yaab iyo amakaag ah ragga hawshaas oo dhan qaranka u soo qabtay ee waliba isxilqaamay sida imika dalka ka socota.
Mise waxa amakaag iyo yaab ah odayaasha iyo madax dhaqameedka safarka ku tagay garoowe ee nabada somaliland iyo xuduudeenii lama taabtaanka ahayd gorgortanka galiyey, ee waliba soo hooyey fashilaada qaranka, waxaanay ku caddahay arintaasi qodobadan hoos ku xusan :
1.Shaqadii qaranka ee loo igmaday hay,adaha sharciga u leh oo dad shicib ahi isu xilqaameen,sida maxaabiis is waydaarsi , xuduuda ,heshiiska puntland iyo somaliland iyo arrimaha la midka ah,sida ay iyagu qirteen.
3.Madaxwaynuhu wuxu yidhi arrinta tuko raq farmaajo ayuun baanu ka wada hadlaynaa lakin imika waxay kala hadleen odayaashani beelaha puntland iska dhaaf maamulka puntland e .
4.arrintii lagu xidhay boqor buurmadow isagoo aan tuko raq hal qof ku dhiman ,iyo ergadii aynu ka diidnay beesha calamka ee aynu ku doodnay in ay tahay xuduuda somaliland lama taabtaan ,ayaa maanta laga beryayaa cuqaal garoowe joogtaa.
5..Shirkii jaraa,id ee ay qabteen odayaashii is xilqaamay sida madaxtooyada laga sheegay xaga puntland loogama markhaati furin taasina waa meeqaam jab kale oo qaranka ah.

Hadda labada goor iyama ayeynu waalanahay ma marka aynu leenahay odayaasha garoowe tagay way is xilqaameen, qaladna may galin, nimankii siyaasiyiinta ahaa sida Faysal cali waraabe iyl Prof.Cali Khalif Galaydh oo waliba iyagu ka mid ah Hay,adaha sharciga ah , gaar ahaan Gudoomiye Faysal Cali waraabe Oo ah Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo waliba Farmaajo kula kulmay dawlad dhex inoo ah halka odayaasha kulankoodu ka dhacay Garoowe oo ay Maamusho maamulka Puntland ee dagaalku inaga dhexeeyo .

Haddaba gun iyo gabo gabadii dalku gudo iyo dibadba wuxuu ku jiraa xaalad halis ah una baahan maamul dawladnimo oo fogaan arag iyo indheer garad ah, sida Guddoomiye Eng.Faysal Cali waraabe,kana saari kara xaaladda maanta .

**
Qaar ka mida aqoonyahanka somaliland
1_Axmed Cabdulle (Six).
2_Maxamed Bubul
3.Axmed Al-Baraadici.
3.Jamal Aden Diriye .
4.Maxamuud C.lahi X.Aden.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker