Kiis Kufsi oo aad u Foolxun oo ka Dhacay Xaruta Agoomaha Hargeysa.

Waxaa iso soo taraaya kiis gabadh yar oo 13 sano jirta oo mudo ku xareysneyd Xarunta Agoomaha Hargeysa kadib markii labadeeda waalid ay daryeeli kari waayeen iyada iyo laba caruur ah oo walaalaheed ah. Kiisa gabadhan yar ayaa lagu soo warinayaa in ay kufsadeen tiro rag isla markaana ay hada tahay xaamilo uur 5 bilood ah leh. Gabadhan yar oo aanan magaceeda iyo astaamaha lagu garan karo aanan muujineyn madaama ay tahay weli ilmo aan qaangaadhin waxa aan ugu yeedhi doonaa kaliya gabadh yar.

Waxaa ilo xog’ogaal ahi sheegayaan in gabadhan yar ee da’deedu 13 ka sano tahay mudo dheer si joogto ah (caadeysi) loogu kufsanaayey Xarunta Agoomaha Hargeisa iyo iskuulka caruurtu ay wax ka barato. Kadib markii uurkeedu soo baxayna ay qasab noqotay in la ogaysiiyo bileyska dalka oo uu taliyaha ciidanka bileysku amar ku bixiyo in lasoo qabto dadka ay markaa magacowdey ee kufsiga joogtada ah ku sameeynaayay gabadha yar.

Ilaa hada waxaa xabsiga ku jira oo saaka lay cadeeyey 6 nin/wiil oo la sheegaayo inay yihiin inamadii kurayda ahaa ee markaa Xarunta Agoomaha ku jirey. Waxaa ilo xog’ogaal ah oo wareysi la yeeshay gabadha yar iyo aabaheedba ay sheegayaa inay gabadha yari werinayso in cida kufsatey ay ka mid yihiin macalimiinta caruurta agoomaha wax bara. Sidoo kalena ay sheegtay in aanay keligeed aheyn cida kufsigan lagula kacay ee xarunta ku jirta ee caruur kale oo wiilal iyo gabdho leh iyaguna yihiin dulmanayaal.

Xarunta Agoomaha Hargaysa oo hoos timaada maamul ahaan Wasaarada Waxbarashada ayaa ah Xarun aad u balaadhan oo ay ku xareysan yihiin caruur badan oo da’ahoodu kala duwan yihiin qaarkoodna aanay laheyn wax waalida oo sheegta am cid ehel u ah oo aan aheyn caruurta meesha kula xareysan iyo maamulka Xarunta gacanta ku haya.

Ilaa hada ma jiraan shaqsiyaad ama hay’ad ku shaqo leh Xarunta Agoomaha oo si toos ah warbaahinta iyo bulshada uga warantay kiiskan aadka u foosha xun ee ka dhacay Xarunta lagulana kacay gabadhan yar ee iyadu Xarunta ku xareysneyd. Ilaa hada lama oga in ay kiisas kale jiraan madaama Xarunta ay joogaan tiro badan oo caruur aad u da’ yari.

Hada gabadhan yar iyo qoyskeedu waxay garab uga baahan yihiin dhamaan umada reer Somaliland si xaqooda loogu soo dhiciyo oo sharciga loo horkeeno eedaysanayaasha iyo cida falkan argagixisada ah ku taageeraysa ama hor istaagaysa in sharciga la mariyo cida falkan geysatey.

Waxaa ilo xog’ogaali sheegayaan in dad dhaqaale haystaa ay rabaan in ay debibaasaan kiiskan iyaga oo ka faa’ideysanaaya duruufta dhaqaale ee waalidka gabadhan yar oo noloshii laga dumiyey.

Waxaa arintan si xog’ogaal ah ula socda hay’ado dawli ah iyo qaar madaxbanaan oo ay ka mid yihiih:

1. Xarunta Agoomaha Hargeisa
2. Wasaarada Waxbarashada
3. Xarunta Denbi Baadhista (CID)
4. Taliyaha Booliska
5. Xarunta Xaquuqul Insaanka
6. Xarunta Qareenda ee Horizon Institute
7. Xeer Ilaalinta Somaliland

Inta kale ee kiiskan la socota ama xog’ogaal u ah waxaan ku soo gudbin bartaydan Facebook si cidii daneyneysaa ay kiiskan ugala xidhiidho isla markaana Gabadhan Yar cadaalad loogu helo baadhitaana lagu sameeyo cidii kale ee dulman ee arimo noocana wajahday.

Dulmiga oo loo dulqaataa waa hoog.

Salma A Sheik

Salma A Sheik

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker