Mas’uul lagu ganaaxay kharashaad badan kaddib markii taleefankiisa uu uga dhacay biyo isagoo sawir iska qaadaya

Mas’uul u dhashay dalka Hindiya oo si weyn loo hadal hayo kaddib markii uu biyo-xireenka ka saaray si uu teleefankiisa u soo saaro ayaa dowladda ganaaxday.

Rajesh Vishwas ayaa lagu amray in uu bixiyo 53,092 rupees oo u dhiganta $642; £519 isagoo soo saaray malaayiin litir oo biyo ah isla markaana aan ogolaansho ka dalban maamulka.

Waxa uu ka dhacay taleefanka xilli uu iska qaadayay sawir Selfie ah oo uu ku andacooday in ay uu u baahan yahay in la soo saaro maadaama ay ku jirto xog xasaasi ah oo dowladda la xiriirta.

Balse waxaa lagu eedeeyay inuu si khaldan u isticmaalay xilkiisa.

Kormeeraha cunnada ayaa talefoonkiisa Samsung, oo qiimahiisu dhan yahay 100,000 rupees, ku tuuray biyo xireenka Kherkatta ee gobolka Chhattisgarh ee bartamaha Hindiya todobaadkii hore.

Kadib markii quusayaasha maxalliga ah ay heli waayeen taleefanka, wuxuu bixiyay kharashka bamka naaftada lagu keeno, Mr Vishwas ayaa ku sheegay hadal muuqaal ah oo ay soo xigatay warbaahinta.

Bamka ayaa socday dhowr maalmood, isagoo soo faarujiyay kumanaan litir oo biyo ah, balse markii la helay taleefoonka, waxa uu noqday mid aad ay biyuhu u galeen oo aan shaqayn.

Waqtigaas, Mr Vishwas wuxuu warbaahinta u sheegay inuu fasax afka ah ka haysto mas’uul si uu “qaar biyo ah ugu shubo kanaalka u dhow”, isagoo intaas ku daray in sarkaalku uu yiri “Xaqiiqdii waxay faa’iido u leedahay beeralayda oo heli doona biyo badan”.

Laakiin maamulka ayaa shaqada ka joojiyay Mr Vishwas dhacdadan awgeed. Dhawr maalmood ka dib, waaxda waraabka ee dawladda ayaa u soo dirtay warqad ay ku ciqaabayso falkii uu sameeyay. BBC-du waxay aragtay nuqul ka mid ah warqadda.

Waxa ay sheegtay in Mr Vishwas uu u khasaariyay 4.1 milyan oo litir oo biyo ah “isago fiirsanaya dan gaar ah” iyo in uu bixiyo kharashka biyaha iyo sidoo kale ganaax dhan 10,000 rupees “ka daadgureynta biyaha fasax la’aan”.

Waxay intaas ku dartay in tallaabadiisa ay ahayd “sharci darro” iyo “in lagu ciqaabi karo sida uu qabo sharciga waraabka ee Chhattisgarh”.

Markii ugu horeysay ee la soo sheegay, dhacdadani waxay kicisay caro dalka gudihiisa. Siyaasiyiin badan ayaa dhaliilay falka uu ku kacay mas’uulkan, waxaana ay sheegeen in si wanaagsan looga faa’ideysan lahaa iyadoo gobollo dhowr ah ay ka jirto biyo la’aan, gaar ahaan xilliyada xagaaga oo aad u kulul.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker