Gorfayn “AMIINA ALMUFTI” Basaasaddii Carbeed Ee Mossad Ugu Caansanayd. Gorfaytii: Dowlad Yuusuf Maxamed.

Waayadan dambe  waxa si xawli ah u soo badanaayay Buuggaagta  ku qoran afkeena hooyo ee  Soomaaliga ah, oo isugu jira Buuggaag lagusoo uruuriyaya suugaamihii kala duwanaa ee ay lahaayeen abwaanadii waawaynaa ee soomaray geyiga soomaalida, Buuggaag iyaguna Taariikho ah oo laga qoray shakhsiyaad saamayn leh, ha ahaadaan Siyaasiyiin, Hogaamiyayaal iyo shaqsiyaad kale oo saamayn leh. Haddaba  waxaan dhowaan soo baxay oo aan  aad ula dhacay  buugga la magac baxay “AMIINA ALMUFTI”-Basaasaddii Carbeed Ee MOSSAD, Ugu Caansanayd Oo uu turjimaadiisa leeyahay Kamaal A. Cali isaga oo kasoo dheegtay qisada ”AMIINA AL MUFTI” ee uu qoray alle ha u naxariistee qoraagii hal abuurka ahaa ee reer Masar, Saalax Mursi, oo uu Magaca qalinkiisu ahaa “Fariid Alfalluuji”. oo  aan halkan wax yar kaga tilmaami doonno.
Kamaal Axmed Cawli (Kamaal Marjaan)  waa war fidiyeen iyo qoraa muddo 11 sano ka badan kusoo dhex jiray warbaahinta. waxa uu afka hooyo u bedelay 15 buug iyo maqaallo oo uu kasoo raray afakii ay ku qornaayeen oo ahaa Ingriisi Iyo Carabi isaga oo inoogu bedelay afkeena hooyo, kuwaas oo uu ka mid yahay buuggan aan hada halkan  ku xusi doono, Kamaal waxa uu ku nool yahay magaalo madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee hargeisa, waxa uu shahaadada koowaad ee jaamacada iyo labaad-ba ( Bachelor Degree & Mater Degree) ku qaatay cilmiga horumarinta. Kamaal waa gudoomiyaha wargayska madaxa banaan ee Geeska Afrika oo kasoo baxa magaalada hargeisa, waxa kale oo uu gudoomiye u yahay golaha sare ee maamulka xarunta “SURAD CENTRE FOR MEDIA SERVICE” sidoo kalena waa aasaasaha iyo maamulaha xarunta turjumaada afafka ee TARJUM.
Waxa aan odhan karaa waxa uu buugani xambaarsanyahay qiso basaasnimo oo aad u xiiso badan. Casharadda aynu ka baranayna ay ugu horayso in cadawgaaga oo muwaadiniintaada adeegsadaa uu si sahal ah sirtaada u helaayo, kaagana rayn doono.
Cabdilaahi Ismaaciil Cali ( Cabdilaahi Cirro) Wasiirkii Hore ee Arimaha  Gudaha somaliland.
Waxa uu buugani si waafiya inoo tusayaa dhinac ka mid ah loollanka u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iliyiinta. Waa dagaal sirdoon iyo amni oo aanay dad badani ka war qabin jiritaankiisa iyo in falastiiniyiintu ay marar badan sirdoonka ka gaadheen guulo lama filaan ah.
Cali Maxamed Waran Cade.
Hadda ba, marka laga tusaale qaato labadan siyaasi  iyo inta la filka ah ee buuggan akhriday lana  dhacday  xogta ku duugan ee laga yaabo in aanay hore uga hayn xogta intan leeg, waxa aynu garan karaynaa loollanka u dhexeeya falastiiniyiinta iyo Yuhuudu inuu muddo soo jiray, kana dhaxaysay cadaawad dhinacyo badan leh iyo sida uu sirdoonka falastiiniyiintu u sareeyey iyo guulaha ay mahadiyeen ee ay ka gaadheen sirdoonka, iyaga oo adeegsanaaya xeelad aad u saraysa marka loo eego wakhtiga ay ku jireen, Iyo sida ay Yuhuudu ugu adeegsan jireen basaasiin asal ahaan kasoo jeeda carabta.
Inta aynaan waxyar ka iftiimin Buuggan “AMIINA ALMUFTI”-Basaasadii Carbeed Ee MOSSAD. Aan inyar dul istaagno oo aynu  yara bidhaamino shaqada basaasnimada iyo sirdoonka caalamka.
Qarnigan hadda la joogo, dalalka iyo dawladaha caalamku kuma tiirsana oo kaliya; cudud-ciidan,mid dhaqaale, hogaamin hufan, horu-mar, heerka aqooneed iyo midka waxsoosaar ee dadka iyo dawladu leedahay, laakiin waxa udub-dhexaad u ah haayadaha nabad sugidda iyo sirdoonka oo kaalin muhiima ka qaata. Ogaanshaha weerarada ka iman Kara dalka gudihiisa iyo dibadda, Ilaalinta xogaha iyo siraha gaarka ah ee waddanka, Ka hortagga iyo gacan ku dhigidda, Basaasiinta shisheeye, Ogaanshaha cadowga qarsoon, Soo ururinta siraha iyo siyaasada hadoodilan ee cadowga tooska ah iyo fulinta hawl galada halista ah.
Sidaa darteed waxa la odhan karaa: sirdoonka waxa uu xilkoodu yahay raadinta,soo ururinta iyo soo gudbinta siraha qarsoon, si loo xoojiyo xiriirka, danaha, amniga iyo amaanka waddan leeyahay.  Ciidanka loo xusho ka mid noqoshada iyo ka qayb qaadashada waaxaha sirdoonka, waxa loo kala saaraa labo qaybood:Qayb ugaara dalka gudihiisa,oo usii kala baxda waaxo kala duwan iyo Qayb ku hawlan sidii ay daboolka uga qaadi lahayeen siraha qalaad ee qarsoon, sidoo kalena waxay fuliyaan shirqoollo loo baahan yahay, waxaana lagu magacaabaa basaasiin.
“BASAAS ” waa erey loogu yeedho :
Ruuxa sida shaqsiga udabagala arrimaha gaarka ee qof, koox iyo waddan leeyahay.
Qofka ka tirsan ciidanka sirdoonka ee ka hawlgala dalalka shisheeye.
Diin ahaan iyo dastuur ahaanba waa dembi adag basaasnimadu, balse waxa jira xilli iyo xaalad la ogolyahay oo ah, marka la basaasayo colka iyo cadowga ka soo horjeeda dalka iyo diinteena.
Si uu qofku ugu biiro hay’ad sirdoon, waxa looga baahan yahay inuu lahaado:
•  Geesinimo iyo dhiiranaan
•  maskax-furnaan
•  Hal-abuurnimo
•  Aqoon heer jaamacadeed ah
•  Waddaniyad iyo waddan-jacayl
•  Xirfado uu ku shaqaysto,marka loo diro dawladaha iyo dalalka kale, sida: sawir-qaade, saxaafad, darawal, makaanik iyo mihnada kale ee aan laga shakiyin.
•  Waa inuu ugu yaraan ku hadlaa 2-3 luqadood oo ajaanib ah.
Guud ahaan buugga AMIINA ALMUFTI  waxa qoraagu ku soo  koobay turjumaadiisa -303- bogag  oo xambaarsan sooyaalkii taariikheed  ee basaadada Amiina oo ah basaasadii ugu caansanay ee carab ah, intii ay ka mid ahayd ee ay u shaqaynaysay MOSSAD iyo intii ka horaysay ee aanay ka mid noqon, sida ay u basaasi jirtay Falaystiiniyiinta iyada oo xogaha muhiimka ee haysho u gudbin jirtay MOSSAD, tab iyo xeelada ay adeegsan jirtay ee ay saraakiisha Yuhuudu kusoo tababareen oo ay u dheerayd, kartideedii, foojignaanteedii iyo cadaawada ay u qaaday dhaman carabta, ha ugusii badnaato cuqdada iyo nacaybka ay u qabtay Falastiiniyiinta.
Amiina Daa’uud Almufti (Aani Moos) waxa ay dhalatay 1939 kii. Iyada oo ku dhalatay magaalada cammaan caasimada waddanka Urdin, qoyskeedu waxa uu ahaa Muslim isirkiisu kasoo jeedo qawmiyadda ”Sharkiska” qoyskoodu waxa uu ka koobnaa lix qof iyadaana u yarayd oo guri dambays ahayd. intaa hadii aan kaga nimaadno Nolosheeda gaarka ah. Aan usoo yara daadagno shaqadan ay Caanka ku noqotay iyo sababihii ku dhalisay iyo halkuu warkeedu ku dambeeyey markii u dambaysay, aan in yar dul istaagno inagoo aan ku dheeraanayn.
Amiina waxa ay kusoo kortay nonol ay reerkoodu aad u jecelyiin maadaama oo ay reerka ugu yarayd, nasiib daro jacaylkaa uu qoyskeeedu u hayeen iyo kool koolintaa aan lagala simin walaaleheed waxa ay ka qaaday isla wayni. Waxa ay is barteen wiil dhalinyaraha oo faceeda ah asal ahaanka kasoo jeeda Falastiin oo ay xidhiidh jacayl ah wadaageen , mudo markay wada socdeen waa ay ku hungowday sababtoo ah wiilka waxa u cuntami wayday kibirka iyo isla waynida ku jirta Amiina, halka ay Amiina iyana ay dhaqanka carabta iyo Islaam-kaba ay u arkaysay mid xidh xidhan iyo in ay dambeeyaan.
Markii uu xidhiidhkaasi bur buray waxay u kicitantay waddanka Austria, oo ay wax barasho u tagtay.
Amiina waxa ay soo dhamaystay waxbarashadii Jaamacada iyada oo rajo ka qabta in ay mardambe is heli doonaan jeceylkeedi sanado ka hor fashilmay , markii ay maqashay war sheegaaya in uu ninkaa ay rajada ka sugaysay uu ka dal doorsaday oo uu guursaday inan faceeda ah oo uu ka door biday iyada. Waxa baaba’ay rajadii ay qabtay. Rajadaasi markii ay ka gudhay, Amiina waxa ay is barteen wiil kale oo ay usku barteen Dalka Austria. Waxaana uu  asal ahaan kasoo jeeday Israa’iil. Waxa uu waxbarasho la xidhiidha Bailout {Waddida Duyaaradaha} uu ku dhamaystay Austria. Jacayl dheer oo dhex maray waxa ay ku qanacday inay guursato oo ay baal marto Diinteedii Isaamka iyo dhaqankeedii lagusoo ababiyay ee dhawrsanaa iyo islaamnimadii lagu dhalay, waxa ay u guureen Israa’iil oo uu ninkeedi shaqo duulimaadnimo ah ka heley ugu dambayntii Mooshe oo ah ninka Amiina,  isaga oo duulimaad ku jira oo maraaya waddanka Suuriya hawadiisa ayaa la soo riday duyaaradii uu waday halkaasna waa uu ku dhintay.
Amiina aad ayaa u cadhootay waxa aanay colaad aan la qiyasi Karin u qaaday guud ahaan waddamada carabta ah waxaanay aad usii necbaatahay Falastiiniyiinta. sababaha ay cadaawada ugu qaadayna hadan yara tilmaamo waxa ka mida wiilkii Falstiiniga ahaa ee jacaylka uga baxay iyo ninkeedan dambe ee Yuhuudiga ah ee ay dileen. Waxa ay u kicitantay inay ka aar goosato dhamaan carabta meel kasta oo ay joogaan sidaasaana ay kaga mid noqotay basaasiinta  MOSSAD uguna shaqaynaysay muddo iyada oo Falastiiniyiinta usoo basaasi jirtay, ugu dambayntiina sirdoonka Falastiiniyiinta ayaa gacanta ku dhigay iyada iyo shabakad basaasiina oo ay samaysatay intay u shaqaynay Yuhuuda.
Si kastaba ha ahaate hadii ay wali nooshahay Amiina, meel kasta oo ay joogto, haatan waa 79 jir taariikhda Israa’iil ku gashay halyeeyd badbaadisay dalkeeda iyo dadkeedaba halka carabta iyo dhamaan Muslimiintana ay u diwaangaliyeen in ay tahay dhagar qabto ku wacad furtay,diinteedi, dadkeedii iyo dalkeedii, oo inkaar qabto ah nolosha ku silicday. Waxa dhamaan laysla waafaqsanyahay inay ahayd basaasadii carbeed ee ugu caansanayd MOSSAD.
Buuggani waa buug aad u qiimo badan marka aad bar bar dhigto Buuggaagta  faraha badan ee waayadan dambe sida xawliga ah loosoo qoraayo, waa buug hab qoraalkiisu uu kuu horseedaayoo inaanad akhriskiisa kala go’aynin, kuna  tusinaaya cadaawada Falastiin iyo Israa’iil marxalaha ay soo martay.
Qisadda basaasaddan waxaad si fiican uga bogaga bogankaraysaa buugga adigoo gacanta ku dhiga.
Dowlad Yuusuf Maxamed
Tell: 063 4417917 – 063 4444096

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker