Xisbiga Wadani Mucaaradnimadii Saxda ahayd Waa ka Habowsan Yahay ee Tolow Yaa Fahansiiya ?

Wadani sidda uu wax ku wada Mucaardnimo waa ka duwan tahay. Waxa Madaxda Xisbiga Wadani hore u Faafiyeen Geeska isbedelay iyo waxyaabo ka ag dhow oo aan micno badan lahayn .

 

Shalay markii la helay warka ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Bixii Cabdi Itoobiya gaadhaya. Waxay markiiba la wadaageen Baraha Bulshada Arin odhanaysa Boqoshada Muuse Bixii ee Itoobiya waxa siddo kale isagun Boqosho ku tagaaya Madaxweynaha Soomaliya oo halka waxa lagu kulan siinaya Muuse Bixii Cabdi iyo Mohamed Cabdilaahi Farmaajo .

 Md Muuse waxa u ku horfadhiisan karra Soomaliya  qadiyad ah  wada-tashi Qaran  oo Xusbiyada Qaranka iyo golaysha isla ogol yihiin   hasa yeesha  sidda  Xisbiga Wadani u dhigaayo waxay bud-dhig uga dhigayaan  Inaan qarannimad Jamhuuriyada Soomaliland tahay wax aad u jabban oo aan qiimo lahayn .

 

 Ka warama haddii Maanta hogaanka dalka uu hayo Xisbiga Wadani  maxay dareemi lahyeen? hadii sidda ay hadda u dhigayaan Xisbiyada Mucaaradka ahi u dhigaan  am aba  ay war xaqiqda ka fog la wadaaga Ummada si dadban iyo si toos ah . Waa xaqiiqa inay dareemi lahyeen in Xad-gudub Qarannimad Jamhuuriyad Somaliland ah ay tahay falka isagga ahi ee Mucaardku ku kacay .  Waxa haboon in heykal iyo milgaha Qaranku leeyahay ay ka horeyso  Siyaasada Xisbi u kali ah guud haan Jamhuuriyada Somaliland .

 

Waa garan lahay sababta Xisbiga Wadani Madaxdiisu beenta inta leeg ku jecelaysteen ?  waliba na ku sii cad cad yahay .

 

Saadalinta Qaranka oo jabbaa iyagga miyaanay waxa yeelayn tolow. Waxa halka ku garwaaqsan karrna In Xisbiga Wadani Hogaankiisu sidda ay u kala garan la, aa yihiin Qarankii iyo Muuse Shiiksiyad cayga aan gabashad lahayn ee ku dhaqaaqeen kunna foogan yihiin . Wali waxay Xisbiga Wadani u haystaan baad is odhan karta inuu Muuse yahay Shiikhsi Suuqa jooga sidda ay ugu foogan yihiin kuna ilaawen Sharafta Qaranka uu huwan yahay.

Waxa aan kula tallin laha Xisbiga Wadani haddii aydaan wax ka bedelin Habka habowga ah ee beenta ku soo af-goynta ah waxa kasta la arkaan idinkoo 4% aad ku caydaan Xisbiga UCID idinkoo ,idinku Dhexe rafanaaya.

Doorashadii ayaa xanaf reebatay ayaad meel walba la taagan tihiin iminkan haddii aad been cad oo aan sal iyo raad toon lahayn idiin raacdo waa idiin rogmasho ee Dhako taa ka duwan oo himiladii iyo hanaankii Mucaarad leh waa inaad la timadaan. Beenta iyo Malo-awalkeed Maalin iyo labbo waad sheegi kartaan laakiin in badan ma sii wado kartaan .

 

Halkaa dhaawac idin soo gaadhay mooyaan,e ma jiro dhaawac aad gaadhsiin kartaan Xukumada Muuse Bixii Cabdi Hogaamiyaha ka yahay.

Odaya ba lagga haya Ninkow Adiga iyo Joogga aad siddatey war ma isu haysaan  !

Iminka Xisbbig Wadanow Sxbayaal Kaalintii Mucaaradka, xooggan ayaad Qaranka ugu jirtaan ee iska shaandheeya had iyo jeer wararka iyo odhaahyada aad soo bandhigaysan si aanay idinka idiinku noqon dabar adag oo aad iska goyn kari weydaan hadiise aad sidda ku sii socotaan waa mid idin hurran halisaha iyo kuwo kale oo badan oo aad qodobka kula jirtaan balse aydaan dhadaneyn arinkuna idinka yahay Muuse ku xumeeya ama waxa ka sheega uun waxay noqonayaan dhibaad idinku dhiteysateen oo idiin taal.

 

Xisbiga Wadani Mucaardnimo hadaf iyo haykal leh ayaa Ummadu idinka sugaysa ee dhaafa waxa ayaa la sheegaya iyo waa la yidhida aad u badan yahay Habka Siyaasiga ah ee aad haysaan .

 abokorm@hotmail.co.uk

Bolton UK

Abokor I Mohamud.

Fikrada ,Aragtida Xorta ah ee Muwaadinka .

Waa Billahi Towfiiq

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker