Dawada HIV-AIDS-ka oo six un loogu isticmaalo dalka Uganda

Hay’adda Qaranka ee Dawooyinka Uganda ayaa qiratay inay ka war haysay in dawada loogu talagalay cudurka dilaaga ah ee HIV-ga lagu naaxinayey xoolaha sannadkii 2014-kii, balse shacabka aysan uga digin.

Kormeeraha sare ee dawooyinka, Amos Atumanya, ayaa u sheegay baarlamaanka inay ka war hayeen dawooyinka ka hortagga Fayraskan ee la siinayo doofaarka iyo digaagga si ay ugu cayilaan.

Amos Atumanya ayaa sheegay in ay bini’aadanka halis ku tahay isticmaalka xitaa xaddi yar oo dawooyinkan ah.

Laakiin hay’adda Dawooyinka Qaranka ee Uganda (NDA) ayaa tan iyo markaas isku dayeysay inay qariso faallooyinkiisa.

Afhayeen u hadlay ayaa sheegay, in haddii ay jirto khatar caafimaad ay u digayaan shacabka, halka NDA shaqadeedu ay tahay in ay nidaamiso dawooyinka aan ahayn cuntada dadka ama tan xoolaha.

Warbixin ay dhawaan soo saartay jaamacadda caanka ah ee Makerere ayaa lagu sheegay, in wax ka badan saddex meelood meel digaagga iyo 50% hilibka doofaarka ee la tijaabiyay ay ku jiraan raadadka dawooyinka ka hortagga retroviral oo ah fayrasyada dhaliya AIDS-ka.

Hilibka ayaa laga keenay suuqyada caasimadda Kampala iyo waqooyiga magaalada Lira ee dalka Uganda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker