Iska horimaad ka dhacay Magaalada Boosaaso

Iska horimaadkan oo khasaare gaystay ayaa xalay ka dhacay xeebta Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Iska horimaadka ayaa ahaa mid u dhaxeeyay Ciidanka Badda Puntland (PMPF) iyo rag la socday dooni, sida la sheegay hub sharci darro ah ka dejineysay dhulka xeebta ah ee bariga Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay si kedis ah uga soo dul dhaceen doonida, oo xilli rarka hubka ah ka dejineysay xeebta.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in raggii hubeysnaa ay markii dambe doonida ula carareen dhanka badda.

Inta la ogyahay hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay iska horimaadka, halka laba kalena oo midkood uu askari ahaa ay ku dhaawacmeen.

Ciidanka PMPF ayaa in muddo ahba ku sugnaa waddooyinka soo gala dhulka xeebta, iyagoo markaasi ka feejigan suurtagalnimada in ay dib ugu soo laabtaan kooxihii hubka ku siday doonida.

Laamaha amniga iyo Maamulka Gobolka Bari ayaan weli ka hadlin iska horimaadka hubeysan ee ka dhacay xeebta Boosaaso.

Ma cadda cidda ay ka tirsan yihiin kooxahaasi iyo haddii ay qayb ka yihiin kooxaha argagixisada iyo haddii kaleba.

Maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacish ayaa fariisimo ku leh buuraha darafyada kaga yaala Xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Boosaaso.

Ciidanka PMPF ayaa maalmahaanba ah dhulka xeebta ah ee Gobolka Bari ka waday hawlgalo amni xaqiijin ah, oo qayb ka ahaa la dagaalanka kooxaha burcad badeedda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker