Itoobiya oo sheeegtay inay qabatay rag ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish oo weeraro qorsheynayey

Addis Ababa (OWN) – Warbaahinta dowladda Itoobiya ee FANA ayaa sheegtay in shalay oo Sabti aheyd ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ka dagaalamay gudaha Soomaaliya.

FANA ayaa sheegtay in ragga la qabtay ay abaabulayeen weeraro ay la beegsadaan meelaha ay dadka isugu yimaadaan, sida Hoteellada iyo goobaha cibaadada.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan sirdoonka Itoobiya ayaa tilmaamay in xilliga la qabanayey raggan ay wadeen xog uruurin, islamarkaana ay muuqaallo ka duubayeen goobaha ay doonayaan inay beegsadaaan.

Howlgalka lagu soo qab qabtay xubnahan ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashaday Sirdoonnada dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, sida ay warisay warbaahinta dowladda ee FANA.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in meelo kala duwan ay ku sugnaayeen raggaasi, sida Addis Ababa,gobolka Oromada iyo gobolka Soomaalida.

Dhowan ayey aheyd markii hay’adaha ammaanka Itoobiya ay shaaciyeen inay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Daacish oo doonayey inay unugyo ka sameystaan dalkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker