Ukraine oo war kasoo saartay tiro dad ah oo la laayay

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa dambi dagaal ku tilmaamay dilka 50 maxbuus dagaal oo Jimcihii lagu dilay xarun lagu hayay maxaabiista dagaalka u xirnaa oo ku taal qaybta uu Ruushka ka haysto magaalada Donetsk.

Moscow, ayaa dhanka kale ku eedeysay Ukraine inay dishay maxaabiista isla markaana gantaallo lagu weeraray.

Taliyaha ciidamada Ukraine ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey iyo hay’adda Laanqeyrtra Cas inay baaraan dilka oo lagu eedeynayo Ruushka kaasoo beegsaday xabsiga si uu daboolo qaabka uu la dhaqmo maxaabiista dagaalka u xiran.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker