MAYOR BUU DOONAAYEY MALAHA!

Waxaan dhawaan shaashadaha ka arkaayey maalmahan dad ku dooday in qoyska madaxweynaha Somaliland mudane Muse biixi abdi dhul ka qaadayo, laakiin waan la yaabay oo waxaan is idhi sinaba uma dhici karto,waayo?.
Waa ta koobaade haddiiba ay jirto waxa aynu arki lahayn qoyskiisa oo iyana hor taagan shaashada oo ku doodaaya dhulkaasi,taasina ilaa iminka ma aynaan arag taasi.
Waa ta labaade waxa aynu maqli lahayn qoyska oo maxkamada geystay dacwadooda oo qoysasakan dagan dhulka looga yeedho maxkamada si loogu sheego in qoyska madaxweynuhu dhulkan sharci u haysto, taasina maynu arag ilaa iminka.
Waa ta saddexaade waxa aynu arki lahayn culimo iyo guurtidii beelaha qoyska madaxweynaha iyo qoysaska kale oo arinta ka hadlaya ,taasina ma hayno.
Waa ta afaraade wuxuu qoysku adeegsanlahaa awoodiisa oo uu dhulka kaga rari lahaa taasina weli ma dhicin.
Hadaba kolka aad eegto sida ay  waxa u socdaan waxa jira qalad beesha madaxweynaha iyo dadka ay is hayaan ay sameynayaan ,taas oo ah haddii ay dadka kale wax dulmayaan in ay ku yidhaahdaan waar joojiya dulmiga, haddii ay qoyska madaxweynuhu dulmiga wadaana in ay sidaasi oo kale u sheegaan,oo yidhaahdaan adigu waxaad tahay masuulkii wadanka ugu sareeyey ummada hadii aad madaxweyne u noqotay dulmiga ka daa misa waxa weeye muuse waa kaas oo laga baqay.
Gutii iyo gaba gabadii haddii uu madaxweynuhu dhul doon yahay in uu kolkii horaba mayor doonto miyaanay ahayn, xafadduna waa ay eeday farteedii waayo waxa la yidhi haddii aad taageerto dulmi adiga ayuu hadhow kugu soo noqdaa.
Abdi Abdi
madoobe2@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker