Shirkii IGAD ee Jabouti oo Boogaadiyay Hawlgalka Somalia.ee.la Dagaalanka Alshabaab

War-murtiyeed kasoo baxay Shirkii madaxda IGAD ay shalay ku yeesheen magaalada Jabuuti ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay xal u helaan muranka ka taagan qabashada doorashooyinka.

 

Doorashooyinka Soomaaliya ee Horey loogu heshiiyey ayaa hakad uu ku yimid jadwalkii lagu qaban lahaa, kadib markii qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo mucaaradka ay diideen Guddiyada Doorashada ee ay dhisay dowladda dhexe.

 

Qoraalka madaxda IGAD ayaa lagu soo dhoweeyey heshiiskii 17-kii September ay hogaamiyeyaasha federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ka gaareen doorashooyinka federaalka.

 

“Golaha Madaxda IGAD isaga oo xusaya ahmiyadda hirgelinta heshiiska, waxa uu ugu baaqay dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah federaalka,

 

Iyo saamileyda kale, inay ku xalliyaan khilaaf kasta oo la xiriira maamulka doorashada iyada oo loo marayo kalsooni iyo hab lagu ilaalinayo muhiimadda hanaankii geeedi socodkii Dhuusamareeb iyo heshiiska 17-ka Sebtember 2020 ee ku saabsan hanaanka doorashada ee isbedelka lagu sameeyey,

 

si doorasho waqtigeeda ku dhacda oo ay wada aqbalaan dhammaan Soomaalida loo qabto,” ayaa lagu yidhi  bayaanka.

 

 

Madaxda IGAD ayaa sidoo kale soo dhoweeyey Guulaha ay ciidamada Ammaanka Soomaaliya,  oo ay taageerayaan AMISOM, ka gaadheen xakameynta iyo la-dagaalanka Al-Shabaab.

 

Waxa uu sidoo kale Bayaanka Lagu ammaanay dib u billaabisata Wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker