Kulan Dhexmaray Maddaxa hay’adda UNDP Iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa kulan la qaatay madaxa hay’adda UNDP Mr Jocelyn Mason.

 

Waxaana kulankaasi masuuliyiintu iskaga xog waraysteen xaaladda guud ee Somaliland iyo horumarka la taaban karo ee ay hay’adda garsoorka qaranku ku talaabsatay muddooyinkii u danbeeyay, iyadoo si gaar ah hoosta uga xariiqeen mashaariicda ay UNDP-du taageerto ee la xidhiidha sharciga, kala danbaynta iyo amniga.

 

Mr Jocelyn ayaa geestiisa soo dhaweeyay sida ay Jamhuuriyada Somaliland isku waafajisay xeer dhaqameedka iyo xeerarka qoran, waxaanu intaa ku daray in arrinkaa horumar laga sameeyay Jocelyn wuxuu sheegay in ay Somaliland maxkamadduhu kaalin weyn ka qaateen fidinta adeega sharci isagoo xusay in ay diyaar u yihiin xoojinta is-kaashi ee ay la leeyihiin garsoorka iyo haayadaha kale ee la hal-maala.

 

Guddoomiye Aadam ayaa geestiisa soo dhaweeyay Mr Jocleyn Mason waxaanu ku bogaadiyay UNDP doorka muuqda ee ay ka qaataan horumarada dalka isagoo u soo jeediyay in ay sii xoojiyaan taageerada ay Jamhuuriyada Somaliland siiyaan si ay Somaliland u hesho taageeradii ay Xaqa u lahayd gaar ahaan hay’adda garsoorka iyo hay’addaha kale ee soo gala sharciga iyo kala danbaynta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker