Sidee shaqo loo helaa ama loo abuuraa W/Q Farxaan Maxamed Sultan (Rakad) Q. 6’aad

Shaqo abuurka iyo shaqo la’aantu marna waa fursad marna waa caqabad dalka dhib ku ah, Maalmihii u dambeeyay waxaan aad u qaadaa dhigayay in dhallinyaraddu shaqo helaan ama shaqo abuuraan, dalkeenna marka laga hadlayo waxa buuxa fursaddo badan oo shaqo lagu abuuri karo iyo fursado badan oo aynaan wali dareemin se loo baahan yahay.

Haddii la doonnayo in dhallintu shaqo hesho waa in qorshe balaadhan oo dhinacwalba ah laga yeesho, xukuumadda uu hoggaaminayo Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa ku dhex jira dheemantii dhallinta iyo aqoonyahanka u hiiliyay, waanna Masuulka kaliya ee maanta hankii iyo higsigii dhallinyaradda Soo nooleeyay wax aan u aqoonsadday Sharmaarke Geelle inuu yahay masuulkii Kartida iyo caddaaladda xukuumadda Maanta , inbadan waxaan maqlayay Shaqooyinka dawladda waa la qaybsadaa, in badan waxaan maqlayay cid gaara ayaa kooto ku haysata haddaba ilaa maalintii uu sharmaarke Geelle la wareegay hay’adda shaqaalaha waxa isbeddelay hankii loo qabay in imtixaan iyo aqoon lagu hello shaqo tusaale 09.12.2018 waxay ahayd maalin ka mida maalmihii Hay’adda shaqaaluhu tartan galisay 50 kaalmood oo goboladda dalka imtixaan loo gallayay, anigu waxaan ku sugnaa Berbera, waxaanan maqlay in imtixaankaas la galayo oo codsiyaddii la furay ayaa waxa codisgaas xaraystay aniga iyo Xaaskayga Fahiima , anagoo doonnayna in aanu caddaaladda hay’adda shaqaalaha markhaati ka noqono, waxa imtixaanka u tartamayay 264 qof, 10.12.2018, waxa kale oo ay noqotay mucjiso kale oo gobolka saaxil dheeraa goboladda in lamaane is qabaa ku soo baxaan imtixaankii hay’ada shaqaalaha , taas waxaan uga socdaa marka in Hay’ada shaqaalaha soomaaliland ay tahay hay’adda caddaaladda iyo qalinka u hagar baxday. Sidoo kale taasi waxay ku tusaysaa in fursaddo badan oo aad heli lahaydeen aad fikir kale ka qaadateen oo aad wax kale is aamin siiseen, muhiimaddaan uga socdaa waa in aad kalsooni u yeelataan waxkasta oo aad rabtaan in aad ku guulleysataan. Shaqo kasta oo aad aragtaana aad soo taabataan gunta iyo xaqiiqda, xattaa haddii aad caddaalad dareemi waydid toos u waydii masuulka meesha haysta si aad xaqiiqda u ogaatid.

 

Dalka fursaddo badan ayaa yaalla haddii aad diyaar u tihiin waxaan idinla wadaagayaa hal fursad shaqo oo aad abuuran kartaan haddii aad iskaashataan idinkoo kooxo ah iyo idinkoo midh midh ah:-

Barnaamijka Adeeg

Fikir shaqo abuur oo aan u hayo dhallinyaradda diyaarka u ah inay shaqo abuurtaan.
magaca barnaamijku waa : “Adeeg”
Barnaamijka ADEEG waxaan hayaa isagoo dhammaystiran oo ilaa fulintiisii wata se iimay suuro galin inaan fuliyo, se waxaan u hibbaynayaa cidkasta oo diyaar u ah innay ka faa’ideysato.
Barnaamijka Adeeg waa barnaamij loogu adeegyo gurikasta iyo cidkasta oo u baahan in suuqa wax looga soo iibiyo gaar ahaan Saddexda wakhti ee cuntadda, waa adeeg laga soo adeegayo Sariibadda iyo suuqyadda waaweyn ee magaalooyinka subaxkasta iyadoo loo adeegayo guryaha u baahan si halkay degan yihiin loogu geeyo adeegyadda saribadeed ee joogtadda ah.
haddii aad tahay hooyo aan awoodin innay gurigeeda ka baxdo ama ay suuqa aado adeegan ayaa ku caawinaya.
adeegani wuxuu daboolayaa baahida suuqa ee subaxkasta loo dhaadhacayo taas oo la sammaynayo kooxo “Teamam” subaxkasta suuqa kaaga soo iibiya alaabta aad ubaahan tahay oo leh tayada aad rabtid iyo wakhtiga aad doonnaysid kaliya waxa lagaa qaadayaa Xoogaa yar oo adeeg ah.
Subaxkasta waxa xaafadaha magaaladda u kala gooshaya tagaasi yar-yar oo sida adeegyadda Guryaha ee loo baahnaa hadday adeeg qaddo ah tahay, hadday adeeg cunto ama raashin tahay intaba iyaga ayaa kuu qabanaya kaliya waxa kaa xiga innaad dalbatid.
Adeeg waa shirkad yeelanaysa xafiis iyo shaqaale Hablo u badan oo subixii ka soo adeegaya suuqa, iyagoo sita dalabkii macmiilka.
tani waxay bad-baadinaysaa wakhtigii suuqa kaaga bixi lahaa, qiimihii oo noqonaya mid fadhiya, cidhiidhigii suuqa, tagsigii ku hambsaaminayay oo aad mid gaara kuu adeegayo, lugtii iyo qayladdi suuqa intaba waad kaga maarmaysaa, sidoo kale kalahaadii iyo haddii aad shaqaale tahay werwerkii kaa haystay Adeega guriga intaba waad ka nasan doontaa.
barnaamijkan oo leh Business Plankii llagu fulinayay waa layga helayaa, kaliya dhallinyaradda Hablaha ah ee shaqo abuurka u baahan ayaan ugu tallo galay si ay shaqo iyo camal uga dhigtaan.
waanna baahi taagan oo subaxkasta loo baahan yahay, xafiiskuna waa xafiis furan wakhtikasta oo loo baahdo.
Waxa jira fikiro fara badan oo aynu haysano kuwaas oo aynaan awood ama wakhti midna u haynin waxaan, soo jeedin lahaa in dhallinyaradda loogu deeqo si ay uga faa’ideystaan.
Ciddii si gaara fikir ugu baahan waan ka caawinayaa insha Allah.

La soco qaybta 7’aad

Farxaan Maxamed Sultan (Rakad)
farxaanmxd@gmail.com
Facebook: Rakad Mxd Sultan
Article: 330
Tell: – 063-4400319
Berbera.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker