Xisbiga UCID Oo Sheegay In Duleedka Hargeysa Ciidan Beeleed Lagu Haysto, Kuna Baaqay In Xukuumadda Xisbiga KULMIYE Is Casilaan

Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa si adag u naqdiyey xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku dhaliilay in amnigii faraha ka baxay meel wax yar u jirta caasimadda Hargeysana lagu haysto 80 askari oo ciidan beeleed ah halka xisbiga UCID xukuumadda xisbiga KULMIYE ugu baaqay in ay is casilaan maadaama bay yidhaahdeen ay ku fashilmeen hogaamintii umadda.

 

Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo ka hadlayay xafladdii qalin-jabinta Jaamacadda Shifo ayaa waxa uu si adag u naqdiyey awoodda iyo tayada hogaamineed ee Madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiirkiisa Arrimaha dibadda isaga oo ku sheegay kuwo faashil ku ah hannaanka maamul ee dalka isaga oo dhinaca kale xusay in ka xisbi Mucaarid ahaan ay yihiin kuwo aan dalka duminayn ee dhisaya xukuumaddana toosinaya xaaladda waddankuna tahay mid meel hoose maraysa isaga oo is waydiiyey meel ay ku sugan yihiin Madaxweynihii dalka iyo masuuliyiintiisii.

 

Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxa Nasiib darro ah Hay’adihii dawladda oo gudan la’ waajibaadkoodii taasi waxa ay keentay waxa aad shalay ka maqlayseen Telefishanada oo gaadhay in rag yidhaahdaan maayar baan ahay, waxaan ahay Maayar ku xigeen. Maxaa keenay waxaasi?. Ma mucaarad baa keenay?, ma dad dawladdooda neceb baa keenay?, ma dad ujeeddo kale leh baa keenay. Waxa keenay hay’adihii dawliga ahaa, gaar ahaan Wasaaraddii Arrimaha Gudaha iyada oo xilkeedii gudan wayday. Waad ogtihiin halkan oo Afar Kiiloo mitir innoo jirta 80 ciidan ah oo hubaysan oo ciidan beeleed ah ayaa fadhiya. Waad ka maqlayseen warbaahinta maalmahanba reer lahaa waa nala gubay oo reero ay isaga baanayeen Telefishanada, taasi maxay keeni kartaa walaalayaal?, sow in ay nabad-galyadu faraha ka baxdo maaha. Waxa aannu leenahay xukuumaddu waa in ay qabsato waajibaadkeeda meeday wasaaraddii Arrimaha Guduhu, meeyey Badhasaabkii Gobolku mee wasiir/xigeenkii Amnigu?, mee Maayarkii ayaanu leenahay, mee Madaxweynihii baanu leenahay?, caasimaddii bay taasi ka dhacasaa. Maxaad u malaynaysaa Goboladii kale ee dalkana.

 

“Haddaad ku guul darraysateen xukuumadda KULMIYE in ay hanato maamulkii dalka iyo masuuliyaddii loo dhiibay waxaanu ugu baaqaynaa in madaxda dawladdu is casilaan oo xukunkii dalka dib loogu soo celiyo. Xisbiyada qaranku maaha dumiyayaal. Waxa ay u dhisan yihiin in ay xukuumadda toosiyaan. Meel walba, fagaare walba iyo goor kasta waxaanu ka sheegaynaa dhaliisha maalintaasi jirta ee taagan cidda lehna waa loo xambaarinayaa. Jaraa’idada ayaan maanta ku arkayay Madaxweynuhu waxa uu joojiyey lacagtii la cunayay. Annagu waxaanu leenahay Madaxweynuhu waxa uu qafilay wasaaradihii gudan lahaa xilkooda”. Ayuu yidhi Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo dhawaan xisbigaasi ku soo biiray kana tirsanaan jiray xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker