Madaxweyne Donald Trump Oo Booqasho Lama Filaan Ah Ku Tegay

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa booqasho aan la shaacinin ugu tegay ciidamada Mareykanka ee jooga dalka Afghanistan.

Madaxaweyne Trump ayaa sheegay in wadahadal uu u socdo kooxda Taliban iyo Mareykanka.

“Taliban waxay doonayaan heshiis”, ayuu Trump u sheegay askarta Mareykanka ee ku sugan saldhigga Bagram, halkaas oo uu sidoo kale kula kulmay madaweynaha dalka Afhghanistan, Ashraf Ghani.

Booqashadan ayaa ahayd mid uu madaxweynaha ugu mahadcelinayay ciidamada Mareykanka ee jooga dalkaas, kaddib markii ay maxaabiis kala baddasheen Talibaan, arrintaas oo uu Mareykanka sheegay in looga golleeyahay sidii markale dib loogu bilaabi lahaa wadahadallada labada dhinac.

Waxaa kale oo uu Trump sheegay in Mareykanka uu dhimayo ciidanka ka jooga dalka Afghanistan.

Ciidamo gaaraya 13 kun oo askarta Mareykanka ayaa ku sugan dalka Afghanistan, kuwaas oo halkaas la geeyay 18 sano kahor, kaddib markii uu Mareykanka farageliyay dalkaas, si xukunka looga tuuro Taliban.

Arrintaas ayaa loo sababeeyay weerarkii lagu qaaday daaraha dhaadheer ee Mareykanka.

Booqashada Trump ayaa kusoo aadday toddobaadyo un kaddib markii la fasaxay labo aqoonyahan oo u dhashay dalalka reer galbeedka, kuwaas oo la qafaashay sanadkii 2016-kii. Maxaabiistan ayaa lagu baddeshay saraakiil sare oo ka tirsan Taliban, kuwaas oo ay gacanta ku dhigtay dowladda Afghanistan.

“Waxaan kulamo la yeelaneynaa Taliban, waxaan horay ugu sheegnay in xabbad joojin la sameeyo, balse ma aysan dooneynin xilligaas, haddase diyaar ayay u yihiin,” ayuu yiri Trump oo ka hadlayay saldhig ku yaalla meel aan ka fogeyn caasimadda Kabul.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker