Maayir Cidin iyo Guddida Dan Iyo Duco oo Isu Bahaystay Inay Dib u Qaataan Dhulkii Raasiga Dekedda Berbera ee La Xayiray Iyo Dagaal ka Dhana Madaxweynaha oo u Ban-baxay Maayirku!!!

Gudoomiyaha golaha Deegaanka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), ayaa muddooyinkii u dambeeyey Ku hawlanaa shirqoolo Siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumadiisa.
Ujeedada uu Maayir Cidin ka leeyahay dagaalka Siyaasadeed ee Madaxweyne Muuse Biixi Ku wado ayaa lagu sheegay inay tahay mid salka Ku haysaa cadho uu ka qaaday Xayiraadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi saaray Dhulka Raasiga Dekedda, Free zone kii, oo Xukuumada hore ee Siilaanyo siffo sharci darro ah ugu Wareejisay shaqsiyaad kala duwan oo iskugu jira Siyaasiyiin, madax dhaqeed, ganacsato iyo masuuliyiin dawladeed.
Maayir Cidin ayaa kamida dadkii dhulka Raasiga Dekedda Berbera waxka qaatay, sidoo Kale na waxa uu goobo kamid dhulkaas sida la sheegay Lacago kaga qaatay ashkhaas ganacsato ah.
Xogaha la xidhiidha dhaqdhaqaaqyada kacdooneysan ee Maayir Magaalada Berbera, ayaa ah abaabul uu dabada kaga soo riixayo Odayaasha Gobolka Saaxil oo badan kooddu kamida raga la siiyey dhulkaa Raasiga Dekedda, Odayaasha uu kusoo istaadhay Maayirku Madaxweynaha waxa kamid Sida xogguhuu sheegeen Guddida Dan iyo Duco, oo ay hormuudka yihiin Oday Muuse Abokor Xirsi Muuse Dalab iyo Jaamac Bir-qaab oo isaggu isbidayaa inuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ku sanduleyn karo inuu u fuliyo waxkastoo Ku saabsan rabi-taankiisa Shaqsiyadeed.
Teeda kale Maayirka, ayaa mudooyinkii u dambeeyey u banbaxay mucaarid ka dhana Madaxweynah, isagoo mararka qaar Suuqyada dhexdooda Ku aflagaadeynaaya Madaxweynaha, oo Ku tilmaamayo shaqsi aan aqoon u lahayn hanaanka Dawladnimo. Sidoo kale waxa xusid mudan waxyaabaha uu Maayirku Madaxweynaha kaga cabanaayo waxa kamid doorashada ka go’an Madaxweynaha inay Dalka ka qabsoonto 2019-ka oo u isna kasoo horjeedo qabsoomideeda, waxanay arrinkaasi Ku abuuray duqa Berbera cadho iyo mucaaridad kale oo aanu qarsanayn  bilahanbaa.
Qore.
Khaalid Cali Baxnaan.
Berbera/ Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker