Boqortooyada Sucuudiga Oo Dadka Cimraysanaya U Ogolaaday Inay Booqan Karaan Magaalooyinka Dalkaasi Oo Dhan !

Boqortooyada Sucuudiga ayaa xilliyadii hore Dadka Dalkaasi Cimrada iyo Xajka u tega ee Visa-ha Xajka Amase Cimrada la siiyo aan loo ogolaan jirin inay dhaafaan Magaalada Jeddah oo ah Magaalada ay dadka ugu badan ee Halkaasi cibaadada u tegaa ka degaan Madaarkeeda iyo labada Magaalo ee Barakeysan ee Makka iyo Madiina.

 

Go’aankan Cusub ayaa ah mid uu qofka halkaasi u tega Cimrada isla markaana haysta Visa-ha Cimrada ee Bisha ah uu 15ka maalmood oo ka mid ah bishaasi uu u kala gooshi karo guud ahaan magaalooyinka Dalkaasi oo dhan, isla markaana waxay Ciidammada Ammaanka gaar ahaan laanta Socdaalka ee dalkaasi aanay wax dhibaato ah aanay u geysan karin meel kastana uu si sharci ah ku mari karo, waa tallaabo aad u wanaagsan balse waxa isweydiin muddan sidee ayey Xukuumadda Dalkaasi go’aankaasi u hirgelisay maadaama oo ay jiraan dad Xaj iyo Cimro ku gala Dalkaasi oo aan ka soo bixin dalkaasi marka Visa-ha ay ku galeen ay dhacdo oo ay ciidammada Dalkaasi Raafaan isla markaana ay soo mastaafuriyaan?.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker