Hadii 20% Somaliland ka tihiin 80% kale iyo 3 Qiime oo aan la Qiyaasi Karin Qayahooda ayaad ku tihiin istiraatijiyada dhul iyo jiho ee aad taalaan !! Dr.Khadar-Libaaxley.

Waad tiro yartay ma’aha gantaal kugu dhaca oo loo niyad jabo, waa tiro badantahay kuma filna naruuro niyada lagu naaxsado ; waayo Maroodigu waxa uu qiimo ku leeyahay 2diisa fool xisaabta dhanka Aadamaha , halka dhanka xayawaanka ay foolashu difaac u xisaabsanyihiin, si lamid ah hadii reer awdal Somaliland ka yihiin ( 20% , 15-16 % ay yihiin cod bixiya-yaal ) 80 kale iyo qiime aan tiro lagu qiyaasi Karin waxa ay ku yihiin istiraatijiyada dhuleed iyo jihada ay xigaan oo waa tii horey loo yidhi ( Aatoor intiisa waa ku duq ); si kale Awdal iyo dadkeedu waxa ay la mid yihiin mulkiile iska leh dhulweyne suuqa ku yaala oo dariiqa ( Number one Road ) ah.

Reer Awdal waxa ay ku qiimeysanyiin istiraatijiyada 3dan arimood oo aaney la wadaagin gobolada kale ee Somaliland/ Somalia toona :-

1. Geeska afrika muhiimada ugu wey ee uu leeyahay marka laga yimaado istiraatijiyada millatari , waxa uu leeyahay muhiimad isku socod ganacsi ( traffic trade routes ) taasna waxa darajada xidigta koowaad u sida G/Awdal sababta u dhawaanshaha itoobiya oo aan xeeb la’hayn isla markaan ah dal leh khaliqiga labaad ee afrika ugu badan ; Xeebta Awdal waa gobolka kaliya ee xeebtiisu u jirto itoobiya 60km ( zaila corridor ) ,oo kaliya marka loo eego dhamaan xeebaha kale ee Somaliland iyo Somalia ; ganacsiguna nabad-galyo iyo faa’ido ahaan intaba waxa uu ku dararaa goobta adeega la rabo laga heli karo , tani waa istiraatijiyada darajada koowaad fursad kasta oo maal-gashi ka farcamaya istiraatijiyadan waxa sharafteeda iyo tixgalinteeda ku daabacnaanaya reer awdal taasi waa qayb ka mid ah qiimaha aan tiro aheyn isla markaana aan qiyaas lagu sureyn Karin , waa arin imanaya insha’allah.

2. Jihada ay xigaan iyo barta ay kaga yaalaan Somaliland oo ah dacal ama fay xaduuda 3 dal ku kulmaan dhanka bariga iyo bada isla markaana ka dhigay mid sare qiimaha gobolkani leeyahay ee aaney la wadaagin gobolada kale ee dalku iyada oo uu noqday mid damacyo badan dul-hoganayaan si aan dhamaad la hayn muhiimna uu leeyahay darteed; oo waatii uu la uu odhan jiray ( malese sanawi Ra’isal-wasaarihii hore ee dhintay ee ethoipia : itoobiya waa jidh qof bilaa kur ah oo u baahan kur !!!) mudane akhriste bal aad ugu fiirso sawirka gobolka Awdal hubaal waxa uu si buuxda ugu eegyahay sawirka kurka uu doonayey ra’iisal wasaarahaasi horey u geeriyooda .

Sawirka kurkan iyo cida uu yahay waxa aynu ku balameynaa toddobaadka dambe, murtidu se waxa ay tahay qiimaha gobolkani leeyahay ee aaney la wadaagin gobolada kale ee dalku waa kaa madax badan oo xilliyo kala gedisan baadi goobayeen iyada oo qiimahaasi iyo qaayahaasi sare uu yahay mid ay nasiib u leeyihiin dadka gobolkaasi yaal.

3. Waa gobolka ugu taariikhda iyo saameynta badnaa sooyaalka taariikheed ee geeska afrika oo kadhigaya deegaanka ay ku dhasheen laga soo bilaabo ( 1240 kii Boqortooyooyin IFAT iyo ADAL EMPIRE ee Diin fidinta iyo maamulka saameynta weyn baryaha qaar geeska soo siraaday , waa degalka ay yimaadeen asxaabtii Nabi maxamed ( SCW) ee ay ku yagleeleen masjidu qiblateyn ; taariikhdan casriga ahna markale guulihiisa ku cusbeeyey noqoshada gobolka ay ku dhalatay dawladnimada Somaliland ee aynu maanta hoos hadhsaneyno ) hadaba degalka iyo dadka guulahaasi iyo dhacdooyinkaa tisqaaday soo gardaadiyey waxa ay mudanyihiin iyo waxa ay tahay in ay gooyaan qiimo iyo qaayo ahaan ayaa ka weyn ( Reer Awdalow tiro ahaan dalka waxa aad ka tiriin 20% iyo magaalada 2 ama saddexaad ayaad tihiin) si lamid ah sida Ethiopia ba u garatay ee u garwaaqsatay ( Qiimaha iyo Qaayaha Harar iyo Reer Harar ay ka mudanyihiin itoobiya inteeda kale).

Mahadnaq Gaara:

Waxa aan si xushmad iyo qadarin leh ugu mahadnaqayaa madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland iyo waftigii sharafta badnaa ee ka koobnaa madaxda rag iyo dumar iyo wax-garadka dalka ee toodobadkii hore galbeedka dalka shirweynaha ku qabsaday xaruntiisa Borama , qormadani ma’aha jawaab balse waa xasuusin mudan.

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

3/3/2019

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker